|
Wasiirka gaashaandhiga xukuumada
federaalka kmg ee Somalia oo Gaalkacyo kasoo degay.
wasiirka gaashaandhiga xukuumada kmg ah ee Somalia C/raxman Cali Maxamud
iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo ayaa maanta kasoo degey garoonka
dayaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug..waxaana wararka
magaaladaasi ka imanaya ay sheegayaan in intii badneyd wafdigaasi ay u
gudbeen magaalada Garoowe ee caasimad goboleedka Puntland waxaana magaalada
ku harey labo xubnood oo kaleya.
Wafdigan maanta soo gaaray magaalada
Gaalkacyo ayaa waxaa si weyn magaalada ugu soo dhaweeyey maamulka gobolka ,ciidamada
daraawiishta Puntland iyo dadweyne aad u fara badan.
C/raxman Cali Maxamuud wasiirka gaashaandhiga DFGS ayaa markii uu magaalada
soo gaaray waxa uu hambalyo u diray dadka Somalida oo uga hambalyeeyey
maalinta 1-da Luulyo.
Wasiirka gaashaandhiga C.raxman Cali
waxa uu sheegay inuu wadi tagi doono dhamaan gobolada Puntland oo uu ku jiro
gobolka Sanag oo ah gobol uu muran ka taaganyahay oo ay isku heystaan
maamulada Somaliland iyo Puntland.
imaanshiyaha wafdigan ee magaalada
Gaalkacyo ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli ay magaalada Boosaaso ay soo
gaareen wafdi ballaaran oo uu horkacayo madaxweynaha DFKS C/llaahi Yuusuf
Axmed .magaalada Gaalkacyo xuskii 1-da Luulyo dartii waxa laga qaaday
bandowgii saarnaa habeenadii lasoo dhaafay ,lamana yaqaan in bandowgaasi
lasoo celinayo iyo inkale.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|