Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Xirsi Aadan Rooble oo sheegay in maraakiibtii qaranka laga badalay magacyadoodii loona isticmaalayo in lagu sumeeyo xeebaha dalka.

Wasiir ku xigeenka degadaha iyo gaadiidka badda Xirsi Aadan Rooble ayaa maanta ku celiyay in loo baahanyahay in maraakiibtii qaranka dib loogu soo celiyo gacanta wasaaradii ku shuqulka lahayd .

Warsaxaafadeed uu maanta wasiir ku xigeenku kasoo saaray xarunta uu ka degenyahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maraakiibtaasi oo uu gacanta ku hayo Xildhibaan ka tirsan dowlada kmg ah ee Somalia laguna magacaabo Muunye loo isticmaaloo si sharci daro ah .

Wasiirku xigeenka ayaa maanta tusiyey saxaafada xilli uu shir jaraa'id ku qabtay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho magacyadii hore ay u lahaayeen maraakiibtii qaranka ee uu gacanta ku haya Muunye iyo magacyada haatan loo bixiyay waxaana maraakiibtii uu maanta soo bandhigay wasiir ku xigeenka ka mid ahaa

Magacyada Cusub.             Magacyadii Hore:

Bilikan                                 Cisman Geedi Raage

Falkon                                  Faarax Oomaar

Bardella                                21 Octobar1

Hog1                                    21 Octobar 2

Albadros                               21Octobar 3

Komaran.                              21 Octobar 4

wasiir ku xigeenka degadaha iyo gaadiidka badda Xirsi Aadan Rooble waxaa kaloo uu sheegay in loo baahanyahay in si wada jir ah la isaga kaashado dib u soo celinta maraakiibtii qaranka uu lahaa

waxa uuna sheegay in xildhibaan Muuye uu ka kareeyo maraakiibtaasi shaqsiyaad kasoo kala jeeda wadamada talyaaniga iyo kuwo kale aoo yurub ah kuwaasoo maraakibta u adeegsada iska soo fogeynta haraaga sunta ah ee Nukliyarka kuna soo shuba xeebaha wadanka uu leeyahay.

Xirsi Aadan Rooble ayaa sheegay in xildhibaan Muuye lacaga kaso gala maraakiibtaasi uu magacyada ka badaly uu adeegsado kala fogeynta xubnaha labada gole si ay ugu dheeraato gacan ku haynta maraakiibtan oo ay kasoo gasho lacago aad u fara badan sida wasiir ku xigeenka uu sheegay .

Hadalka kasoo yeeray wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka badda iyo degadaha ayaan ahayn kii ugu horeeyey oo noociisa ah iyadoo horey hadal kan la mid ah soo saaray.

Kulan degdeg ah oo aan caadi ahayn oo maanta dhex maray xubnaha labada gole ee Muqdisho.

Kulankan oo maanta ka dhacay hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa labo kulan uu shalay ku baaqay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha barlamaanka Cisman Cilmi Boqore oo sheegay in xubnaha labada gole ay labada maalmoodee ina soo aadan isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo aan caadi ahayn oo looga wada hadlayo xaalada wadanka iminka ka taagan.

Kulankii maanta wax yaabihii ay uga wada hadleen xubnaha labada gole waxaa ka mid ahaa xayiraada hubka ee saaran Somalia oo madaxweyne C/laahi Yuusufka Somalia uu dalbaday in la qaado ,ciidamada soo gaaraya magaalada Jowharee ka kala yimid Puntland ,Itoobiya iyo Hiiraan kuna xareysan xerada Koongo ,khilaafka xubnaha labada gole ka dhaxeeya iyo waxa laga yeelayo haddii uu sii socdo ,waxa laga yeelayo takrifalka uu wado madaxweynaha ,xoojinta nabada ,iyo joojinta colaada.

Kulankii maanta ayaa saxaafada loo diiday in goob joog ka ahaato laakiin xildhibano u waramay Rochester Somali Tv ayaa sheegay in kulankii maanta uu ahaa kulan aan la mid ahayn kulamadii hore ay yeelan jireen xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho.

xubnaha labada gole ayaa ka gaabsaday intooda badan in saxaafada ay war bixin ku saabsan kulankoodii maanta siiyaan laakiin xildhibaano magacyadooda dalbaday in aan la shaacin ayaa sheegay in kulankii maanta uu ku dhamaaday guul xildhibaanaduna ay mee isla dhigaan qodobadii laga wada hadaly.

Cabsi dagaal oo ka taagan magaalada Baydhabo.

Wararka Rochester ay ka helayso magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in magaalada ay ka muuqato saan saan colaadeed oo laga cabsi qabo in maleeshiyaadka Xudur ay magaalada weerar kusoo qaadaan magaalada iyadoo magaaladaasi uu diabada kaga maqan yahay xildhibaankii gacanta ku hayay.

wararka magaaladaasi ka imanaya ayaa xaqiijinaya in maleeshiyaadkii ku sugnaa degmada Xudur ee gobolka Bakool ay usoo dhaqaaqeen dhanka iyo magaalada Baydhabo si ay markale ay isugu dayaan in magaalada gacanta ku dhigaan.

Waxaa kaloo soo baxaya in Aadan saransoor oo ka mid ah mas'uuliyiinta taabacsan garabka RRA ee gacanta ku haya baydhabo uu la xiriiray garabka Xudur uuna ku wargeliyay in haatan wixii laga bilaabo uu la dhinac yahay iyaga uuna ku gacan siinaya sidii magaalada ay gacanta ugu dhigi lahaayeen..

Aadan Saran soor ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay is mari waayeen oo ay iska soo horjeesteen xildhibaan Maxamed Ibrahim Xaabsade oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho.

Djanka kale Wasiirada beeraha iyo garsoorka dowlada kmg ah ee Somalia Xasan Maxamed Nuur iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa weli ku sugan degmada waajid ee gobolka Bakol halkaasoo ay ku leeyihiin kulamo wada tashi ah oo ku saasban shirka dhawaan ka furmaya deegaanka Sarman dheer ee gobolka Bay kaaasoo la doonayo in la isku soo horfashiisiyo labada garab ee RRA-da ay kala hogaamiyaan Xaabsade iyo Shaati Guduud.

Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.