Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

  

 Wasiirka gaashaandhigga oo magacaabay xilal cusub

 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in manta uu wasiirka gaashaan dhigga ee dowladda federaalka soomaaliya C/raxmaan Maxamad Cali ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay  xilal cusub.

Wasiirka ayaa magacaabay Taliyaal ku xigeeno cusub oo uu yeelanayo Abaanduulka Qaranka Soomaaliyeed Jeneraal Ismaaciil Qaasim Naaji, waxaana uu u magacaabay sedax xubnood oo kala duwan hase ahaatee isla mid ah dhinaca darajada, waxaana ka mid ah  Cabdi Mahdi C/salaan oo loo magacaabay ku xigeenka Taliyaha ciidanka dalka Soomaaliyeed dhinaca Saadka,Axmad Cali Seed oo isna loo magaacabay ku xigeenka taliyaha ciidanka Soomaaliyeed iyo xubin kale oo aysan inoo suurtaligelin inaanu helno magaciisa oo buuxa.

 Si kastaba ha ahaatee wareegtada Wasiirka Gaashaandhigga ayaa ah tii ugu horeysay ee uu soo saaro tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka gaashaandhigga ee dowladda federaalka soomaaliya.

 

Muxyadiin Cali Jimcaale Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somalia