|
Wasiirka Ganacsiga dowlada FS ayaa balan
qaaday in aysan ku soo noqon doonin Isbaarooyinkii shalay laga qaaday
maleeshiyaad ay isku heeb yihiin..
Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow wasiirka
ganacsiga dowlada FS ayaa waxa uu balan qaad balaaran ku qaaday in aysan soo
noqon doonin isbaarooyinkii shalay laga qaaday maleeshiyaad ay isku heeb
yihiin, waxa uuna tibaaxay in loo baahanyahay beelaha kalena
maleeshiyaadkooda ku sugan isbaarooyinka in ay ka qaadaan.
5 Isbaarooyin, maleeshiyaadka ku sugana ay
isku heeb yihiin Muuse Suudi shalay la qaaday, waxaana ay balan qaadeen
horjoogayaasha isbaarooyinkaas in aysan mar dambe wax lacag ah aysan ka
qaadi doonin gawaarida isticmaasha wadooyinka ay ku suganyihiin, ayna sugi
doonaan amaanka meelaha ay degan yihiin, lana shaqeyn doonaan gudiga loo
xilsaaray isbaaro qaadka ee dowlada FS xubnahooda ku sugan caasimada dalka
ee Muqdisho.
Al Xaaji Muuse ayaa waxa kaloo uu sheegay in
loo baahanyahay dhamaan isbaarooyinkii daadsan gudaha caasimada iyo
wadooyinka soo gala la qaado, maleeshiyaadkii ka hortimaadana arimaha
qaadista isbaarooyinka xoog aan loo aaba yeelin loogu qaadi doono isbaarada.
Wasiirka Ganacsiga dowladda FS Muuse Suudi
Yalaxow ayaa rajo fiican ka muujiyey in ugu danbeyn lagu guuleysan doono
dadaalka loogu jiro qaadista jidgooyooyinka wali teedsan qeybo ka mid ah
wadooyinka magaalada Muqdisho iyo wadooyinka soo gala.
Muuse Suudi Yalaxow wasiirka ganacsiga
dowlada FS ayaa ku tilmaamay dib u dhaca ku yimid Soomaaliya Shan iyo toban
“15” sanno ee ugu dambeeyey mid lala xiriirinayo Isbaarooyinka, isla
markaana ay lama qasab tahay in laga nadiifiyo wadooyinka magaalada Muqdisho
iyo jidadka soo gala, si loo higsado himilada loo dhisey dowlada FS.
Mana ahan markii ugu horeysay ee wasiirka
Ganacsiga Mr Suudi uu ka hadlo arimaha isbaara qaadka, waloow uu ka mid ahaa
wasiirada shacabka reer Muqdisho ay aamiansanaayeen dhow sano ka hor in ay
badanaa isbaarooyinka Muqdisho deedsan uu isaga masuul ka yahay laakin
fikirkaas ayaa ugu dambeyntii waxa uu noqday mid aan waxba ka jirin.
|