Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wasiirada arimaha dibada wadamada carabta oo go'aansaday in deeq ballaaran siiyaan dowlada Somalia

Wasiirada arimaha dibada wadamada ku jira jaamacada carabta ayaa kulan ay ku yeeshen magaalada qahira ee caasimada wadanka Masar waxa ay ka sheegeen in ay siinayaan dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia kaalmo lacageed si ay ugu adeegsato howlaha aasaasiga ah.

Wasiirka ariamaha Dibadda wadankaYemen Abubakar Alqadi ayaa kulankaa ka sheegay in wadamada carabta ay iska iloobeen arimaha somalia isagoo si kulul ugu dhaliilay wax qabad la'aanta wadamada carabta ee arimaha somalia Isagoo sheegay in dowladda Yamen ay tahay dowladii ugu horeysay ee taageerda hagal la'aanta ah siisay xkuumada somalia

wadamada carabta wasiiro arimo diabadeedyadii ka socday ayaa sheegeen in ay si buuxda u taageerayaan dowladda ku meel gaarka ah iyagoo u fidin doona kaalmo dhaqaale oo aad u fara badan

Wasiirka Arimaha Dibadda dowladda kumeel gaarka ah e somalia C/laahi Sheekh Ismaaciil oo kulanka uga qayb galay dowladda somalia ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga hadlayay arimaha carabta gaar ahaan Falatiin iyo Ciraaq Iyo somalia iyadoo soomlia shirkaa loogu balan qaaday in lasiiyo kaalmo dhaqaale .

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.