Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Wasiiru dowlaha dib u dhiska iyo dib u dejinta oo ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray madaxweyne C/laahi Yuusuf.
 
Wasiiru dowlaha dib u dhiska iyo dib u dejinta dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia Ibrahim Xabeeb nuur ayaa si kulul uga jawaabay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed xiligii uu bixinayay wareysi BBC ay la yeelatay.
 
Wasiirka dowlahan oo ka mid ah wasiirada kasoo jeeda gobolka Hiiraan iminka ku sugan magaalada Baladweyn ayaa maanta ka sheegay magaaladaasi mar uu shir jaraa'id ku qabtay in hadalada kasoo yeeray madaxweyne C/laahi Yusuf aanu ahayn hadalo uu ku hadlo qof mas'uul ah oo ay saarantahay mas'uuliyad aad u ballaran,
 
Ibrahim xabeeb Nuuur ayaa sheegay in madaxweynuhu uu isaga u gafay xiligii uu socday wareysiga uu siinayay BBC kuna tilmaamay qof sarkaal ah isagoo yiri :" Anigu ma ahi qof sarkaal ah oo u shaqeeya dowlada laakiin waxaan ahay qof wada mas'uuliyad taa ka ballaaran ,waxaana ahay qof xildhibaan ah oo matalaya shacab aad u fara badan mana ahayn in maanta uu madaxweynihi dalka iga dhigo qof sarkaal ah oo dowlada u dhaqeeya" isagoo intaa ku daray in isagu aanu ahan qof shaqaale ah oo wixii doona lagu fushan karo.
 
Wasiirru dowlahan oo markii uu hadalkaa ka dhawaajinayay ay ka muuqatay caro aad u saraysa ayuu sheegay in madaxweynaha uu  yahay qof ku tumanaya shuruucdii lagu soo heshiiyey.
 
Wasiirkan ayaa horey u sheegay mar uu sidoo kale uu wareysi siinayay idaacada bbc in madaxweyne C/laahi Yusuf Axmed uu u kala eexday ciidmadii kuwada sugnaa Mustaxiil oo kuwii Puntland uu hub fara badan siiyay halka kuwii reer Hiiraan uu ku amray in iyagoo fara maran ay magaalada Jowhar soo galaan.
 
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.