Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wasiirka Gashaandhiga Somalilad oo sheegey Mamul Gobaledka puntland ay diyaariyeen Ciidamo ay ku carqaladeynayaan Doorashooyinka Somaliland

Wasiirka gaashandhiga Dowladda Somaliland Jaamac Gaas Mucaawiye ayaa ku eedeeyey Maamul Gobaleedka puntland iney ciidamo ku soo ururinaayaan Deegaano ka tirsan Somaliland oo la doonayay iney ka dhacaan doorashooyinka

Jaamac Gaas Mucaawiye ayaa ku tilmaamey iney arintaasi ay tahay Dandaansi Dagaal oo ay doonayaan Maamul Goboleedka puntland si ay u hor istaagaan howlaha Doorashooyinka ee Mamulka Somaliland

Wasiirka Gaashaandhiga Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa sidoo kale sheegey iney Difaaci doonaan cid kasta oo is hor taagta Qaranimada iyo sumcada ay leedahay Somaliland, isagoo ku darey in Samaliland ay qaadi doonto, Talaabo kasta oo ay u arkaan in lagu Difaaca Sharafta iyo sumcadda ay leedahay somaliland

Ma ahan mar kii ugu horeysey ee xurguf dhinaca deegaanada ay dhex maraan maamul Gobaleedka puntland iyo Maamulka Somaliland

Muxyadiin Cali Jmcaalle Jakuula
Muqdisho Somalia