wasiir ku xigeenka waxbarashada dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo
codsi u jeediyey dalladaha waxbarashadaha.
wasiir ku xigeenka wasaarada wax barshada dawlada kumeel gaar ka ah ee
Soomaaliya Muqtar Maxamed Yuusuf ayaa codsi u jeediyey dalladaha
waxbarashaha ee ka howl gala gudaha wadanka Soomaaliya xilli maalmaha
fooda inagu soo haya ay furmayaan iskuulaadka.
wasiir ku xigeenka ayaa ka dalbaday dalladaha wax barashadaha in ay deeq
waxbarsho oo lacag la'aan ah ay siiyaan ardada aan awoodin in ay iska
dhiibaan qarashaadka wax lagu barto.
Md.Muqtaar waxa uu sheegay in uu garanayo culeyska ay ku shaqeynayaan
iskuulada Xamar ku yaalla oo inta badan ay yihiin kuwo dad gaar ah ay
leeyihiin hadana waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in caruurta ku
dhaqan Muqdisho oo inta badan aanay awood u lahayn in ay iska dhiibaan
lacagaha wax lagu barto ay helaan wax barasho.
wasiir ku xigeenku waxaa kaloo uu sheegay in inta badan iskuulaadkii
qaranka ay haatan isu badaleen meelo qashin dhig ah iyo meelo ay
degenyihiin dad soo barakacay oo Soomaali ah kuwaaasoo maciin biday in ay
ku noolaadaan goobihii danta guud taasina waxa uu sheegay in ay sii socon
karaynin.
"anigoo og culeyska haysta goobaha wax barashada waxaan ka dalbanayaa in
ay eegaan caruurta ku wax barasho la' Muqdisho oo ay deeq u fidiyaan
caruurtaasi" ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada dawlada
Soomaaliya Muqtar Maxamed Yuusuf.
wasiir ku xigeenka ayaa ka mid ah xubnaha labada gole ee magaalada
Muqdisho ku sugan .
Maxamed Cadde.
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|