Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo Wakiilka Qaramada
Midoobay Soomaaliya oo gaaray Magaalada Jowhar
3:45-daqiiqo markii ahayd Sacaadda Magaalada Jowhar ayaa
garoonka Diyaaradaha ee Jowhar waxaa soo gaaray Wasiirka Arrimaha Dibadda
Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo, kaas oo magaalada Jowhar kaga qeybgali
doono shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD ee maanta ka furmi doono
halkaas.
Wasiirka ayaa Garoonka Diyaaradaha Jowhar waxaa u ku soo
dhaweeyay Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka
Maxamed Dheere, waxaana hadda ku sugan Yahay halka ay degan yihiin Wasiiro
Dowlaha Itoobiya iyo Danjire Maxamed Cabdi Afey.
Sidoo kale daqiiqado ka hor waxaa gaaray Magaalada Jowhar
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya Danjire
Fall, kaas oo isna lagu casuumay shirka Wasiirada IGAD oo maanta ka furmi
doono Magalaada Jowhar.
Si kastaba ha ahaate ilaa iyo hadda waxaa soo gaarin Jowhar
Wasiirada Arrimaha Dibadda Suudaan, Eretereya iyo Uganda, halka Kenya shirka
ka jooga Danjire Maxamed Cabdi Afey.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula