Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  War saxaafadeed ay soo saareen xubnaha DFS ugu jir Beelaha Banaadiriga oo Carbaareeyey falkii ay ka sameeyeen Istuudiya al faqi degmada Xamar weyne Midowga Maxkadaha Muqdisho

War Saxaafadeed ay soo saareen Mas’uuliyiinta Reer Banaadir, ee kujira Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaan Shariif Maxamed Sayidii, Xildhibaan Caamir Axmed Maxmed (Jakeeti), iyo Kuxigeenka Guddoomiyaha/Duqa Maamulka Muqdisho qeybta Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dr.Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa waxa ay si kulul u dhaleeceeyeen FALKII ay ku kaceen Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee dhowaan laga hirgeliyay Gobolka Banaadir.

Warsaxaafadeedkani oo lasoo gaarsiiyay Xafiiska RSTV ee magaalada Muqdisho ayaa waxay ku cambaareeyeen ficilkii maalinta 16-October-2005 ee Midowga Maxaakiimta Islaamiga ee Gobolka Banaadir ay ku kaceen; ficilkaasoo ahaa dhac bareer ah oo loo geystay Shirkadda filimada tarjunta ee Al-Faqiih iyo maamulkooda.

“Waxba kama qabno in la reebo wixii fisqi ah oo kasoo horjeeda Diinta Islaamka, maxaa yeelay waxaan-nahay dad kudhashay Islaam-nimada camal ahaanna u haya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkaasi. Ficilkii lagu sameeyay Shirkadda Al-Faqiih waxaan u qaadanay mid lagu ihaaneynayo dadka looma ooyaanka ah oo iskooda u shaqeysanayo, beytul maalkana aan ka shaxaadeynin.

Islaamku wuxuu farayaa wanaag ee ma aha in dadka loo-tuso xumaan; ficillada tanoo kalena waa in laga waantoobaa. Wabillaahi Towfiiq.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya