|
Wargeyska dalka oo ku hadla afka oo
dawlada oo maanta muqdisho lasoo gaarsiiyey
Waxaa maanta magaalada
Muqdisho hadal heynteeda ku baday wargeys ku hadla afka dawlada oo lagu
magacaabo Dalka oo maanta magaalada lagu faafiyey.Wargeyskan oo ka koobnaa
illaa 4 page oo waaweyn ayaa dadku ay maanta aqriskiisa aad ugu baday
goobaha lagu iibiyo wargeysyada ee magaalada ,
Wargeyska waxa bogiisa hore lagu
daabacay inta badan arimaha gudaha ee Somalia gaar ahaan xuskii 1-da Luulyo
inkastoo uu taabanayey arimo xasaasi ah oo aad u badan iyo
guubaabo.Wargeyskan oo lagu soo daabacay magaalada Nairobi ee xarunta
wadanka Kenya ayay maanta u ahayd markii 5-aad e uu soo boxo ,laakimse
Muqdisho marka la eego waxaa ay ahayd maalintii ugu horreysay ee si rasmi ah
suuqyada logu arko
Wargeyska ayaa lagu bixinayay lacag
la,aan ,laakinse waxaa dhacaysay in dadka ay qaataan wax aad ufara badan ka
dibna dadka kale ka iibsada.
Caddaka maanta Muqdisho lasoo
gaarsiiyay ayaa ahaa kii 4-aad waxa uuna baxay maalintii shalay oo ku
beegneyd 2-da July ,waxaana qodobbada xasaasiga ah ee boggiisa hore ku
qornaa ka mid ahaa ;gabar Soomaaliyeed oo laga aqoonsaday mashruuca 1000-ka
hawen ee guddihga Nopel Peace prize-ka ,munaasabadda 1-da July oo si heer
qaran ah looga xusay caasimmadda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo ah Jowhr,,1-da
July iyo Puntkland,wareysi dhinacyo badan taabanayay oo uu bixiyaya
madaxweyne C/llaahi Yuusuf,Geediyow geeddiga wad iyo qodobo kale oo aad u
muhiimah iyo faalooyin lagu soo qorey gudaha oo ay ka mid ahaayeen Somalia
shaley iyo maanta iyo sheeko uu cinwaan uga dhigay Cibaado iyo Ibtilo.
Wargeyska dalka caddakiisa maanta
ayaa waxaad moodaa in suugaanta uu ahmiyad gaar ah siiyay gaar ahaan
gabayada waxaana ku qornaa ilaaiyo 7 gabay oo waddani iyo baraarujin ubadnaa
kuwaaso badankoodna ay tiriyen dhallinyaro Soomaaliyeed oo aad u da'yar sida
laga dareemi karayay sawirradooda oo wargeyska ku dabacnaa ayagoo dadka
Somaliyeed ugu baaqaya in ay qarankooda badbaadiyaan.
Wargeyska ayaa illaa iyo iminka
laheyn Tifaftire balse waxaa wargeyska howlihiisa wada wasiiru dawlaha
warfaafinta Ibrahim Maxamed Deeq.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
|