Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Wararkii ugu danbeeyey ee magaalada Jowhar.

 

Golaha wasiirada jowhar ayaa  ansixiyey guddigii amaanka qaranka
 
golaha wasiirada dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee magaalada Jowhar ku sugan ayaa maanta ansixiyey guddi maalintii shalay ahayd ay magacaabeen oo qaabilsanaa amaanka qaranka.
 
Guddigan ayaa waxaa madax ka ah ra'isulwasaaraha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya Cali maxamed geedi waxa uuna ka kooban yahay dhowr xubnood oo wasiiro ah .
 
ujeedka guddigan ayuu wasiirka warfaafinta maxamed maxamuud xayir waxa uu ku sheegay la socodka amaanka qaranka iyo sugidiisaba.
 
gudigan ayaa waxaa sidoo kale xubin ka ah wasiirka amaanka qaranka maxamed qanyare afrax oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee Muqdisho ku sugan kana soo horjeeda feker ahaan xubnaha magaalada Jowhar ku sugan .
 
 
C/laahi Kulmiye oo maanta magaalada Jowhar laga sii daayey.
 
maamulka gobolka shabeelaha dhexe oo uu madaxda ka yahay maxamed cumar xabeeb maxamed dheere ayaa maanya xabsigii ka sii daayay wariye C/laahi kulmiye caddow oo ka mid ahaa saxafiyiinta ka howl galaysay idaacada iyo talefishanka horn afrik ee magaalada Muqdisho howl shaqana ku joogay markii lagu xiraayay magaalada Jowhar todobaadkii hore.
 
C/laahi kulmiye ayaa lasii daayay sida wararku ay sheegayaan ka dib markii eheladiisa ay dadaal u galeen ayadoo maamulka gobolaasina la sheegayo in wax cudur daar ah aanu ka bixin xariga C/laahi.
 
wariyahanka howl galayay idaacada iyo telefishanka Horn afrik ayaa la xiray xilli uu warbixin ka diyaariyey iskuul ay wax ku baranayeen ardayda ku dhaqan degmada Jowhar oo iminka isu badalay xarunta golaha wasiirada ee xubnaha jowhar ku sugan.
 
Hadiyad la gudoonsiiyey Maxamed dheere.
 
gudoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe maxamed cumar xabeeb maxamed dheere ayaa maanta gudoomay hadiyad ka socotay barlamaanka wadanka canada oo uu maanta gudoonsiiyey xildhibaan ka socda barlamaanka canada oo maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Jowhar.
 
xildhibaanka ka socda barlamanka canada ayaa kulan la qaatay xubnaha sar sare ee dawlada Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya sida madaxweyne c/laahi yuusuf axmed iyo wasiiro ka tirsan dawladiisa.
 
xildhibaankan ayaa u sheegay xubnaha muqdisho ku sugan sida dawladiisu ay ula dhacsan tahay howlaha ay xubnahan ka wadaan magaalada jowhar.
 
wasiiro ka tirsan dawlada ayaa ka codsaday in canada deeqaha ay siiso shacabka ay usoo mariso dad waxa ay soo dhiibtay si toos ah ugu keena shacabka ayagoo hambalyo iyo bogaadinba gaarsiiyey xildhibaanka.
 
xildhibaankan oo ay wehliyeen mas'uuliyiinka socotay jaaliyda Soomaaliya ee canada ayaa booqasho ku tagay
goobo ka tirsan jowhar sida idaacada magaaladaasi iyo xarunta dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Jowhar.
 
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.