Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
 Ra'isulwasaare K/xigeenka dowladda FS ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa waxa uu sheegay in mudo 4 maalmood ah lagu qaadayo isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho.

Hadalkan ayuu Xuseen Ceydiid wasiirka arimaha gudaha ahna Ra'isuwlasaare K/xigeenka dowlada FS uu ka sheegay maanta Hotel Saxafi oo warfidiyeenka kula hadlayay ka dib markii kulan gaar ah ay qaateen Xuseen Ceydiid, Muuse Suudi, Max'ed Qanyare, Axmed Ducaale Xaaf oo intoodaba ka wada tirsan labada gole ee dowladda FS iyo Ganacsade C/rashiid Shire Ilqeyte.

Kulankaasi oo gaar ahaa islamarkaana albaabada ay u xirnaayeen ayaa ajandaha shirkooda uu Xuseen Ceydiid sheegay in ay aheyd sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhameystirka howlaha isbaaro qaadista magaalada Muqdisho isla markaana 4ta cesho ee soo socota dhamaan lagu qaadayo isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho iyo waliba labada Ex Ctrl ee soo gasha magaalada Muqdisho.

Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa sidoo kale maanta lagu waday in uu warbixin gaar ah siiyo xubnaha labada gole ee dowladda FS balse uu baaqday warbixintii uu siin lahaa, iyadoo kulan gaar ah uu la yeeshey Muuse Suudi, Qanyare, Xaaf iyo ganacsade C/rashiid Ilqeyt.

Dhinaca kale xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble ayaa shabakada warabaahinta shabelle uga waramay kulanka maanta ay yeesheen Xubnaha labada goble , isagoo sheegay in dib loo dhigay ajandayaasha kulankaasi oo ku saabsanaa war bixin laga sugayay in laga dhageysto 59 xubnood oo ahaa gudiga abaabulka nabadgalyada gobolka Banadir iyo warbixin laga doonayo in laga dhageysto wasiirka arimaha gudaha ahna Ra'isuwlasaare K/xigeenka Xuseen Maxamed Ceydiid.

Saleebaan Colaad Rooble waxa uu sheegay in maalinta sabtida ah xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ay guda gali doonaan ajandayaashood ku saabsan warbixinta gudiga nabadgalyada gobolka Banadir iyo warbixinta laga doonayo in laga dhageysto wasiirka arimaha Gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid.


 Shir Jaraa’id oo ay wada jir u qabteen gudoomiyii hore gobolka Banadir C/laahi Ganey Firinbi iyo duqiihore ee Muqdisho Ibraahim Cumar Sabriye Shaaweey ayaamaanta waxa ay ku eedeeyeen madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmed, Ra'isulwasaare Geedi iyo Wasiirka arimha gudaha ahna Ra'isulwasaare K/xigeenka Xuseen Maxamed Ceydiid in ay ka wadi la'yihiin howlihii dhinaca nabadgalayada ee gobolka Banadir.

Shirka Jaraa'id ayay si wada jir ah uga sheegeen Mudane Firinbi iyo Mudane Shaaweey in ay iyagu yihiin mas'uuliyiinta sharci ahaan gobolka Banadir iyo kan dowladaha hoose maamulaya.

C/laahi Xasan ganey Firinbi ayaa waxa uu sheegay in 16 ka degmo gudoomiyeyaashoodii gobolka Banadir haatan uu soo foodsaaray jahawareer la xiriira cida ay Gudoomiyaha gobolka Banadir u aqoonsan yihiin iyagoo kala aada xarumaha gobolka Banadir iyo Hotel Ramadan.

Waxa uu sheegay in taasi ay ka timid carqalad uu sheegay in ay sabab u yihiin Mas'uuliyiinta dowlada ka mid ah oo uu ku jiro Ra'isulwasaare K/xigeenka Xuseen Maxamed Ceydiid iyo Ra'isulwasaare Geedi.

duqii hore ee magaalada Muqdisho Ibraahim Sabriye Shaaweey ayaa isagu ku dheeraaday siyaabaha arimahan loo xalin karo in ay ku jirto in dib loogu laabto sharuucdii dalka Kenya ay mar hore xubnaha labada gole ku dagsadeen, waxa uuna sheegay in sharci ahaanshaha mas'uuliyiinta gobolka Banadir loo magacaabay uu yahay mid qalad ah habkii uu u maamulay Ra'isulwasaare Geedi.

Ibraahim Shaaweey waxa uu sheegay in carqaladaha iminka soo food saaray howlihii dowladaha hoose ay ku jirto mid ay abuureen mas'uuliyiin uu ugu horeeyo sida uu yiri madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Waxa ay tilmaameen labada mas'uul in ay jirto dhibaatooyin la doonayo in laga abuuro gobolka Banadir oo la xiriirta iska horkeenka dadka magaalada Muqdisho.

Shirkan Jaraa'id oo labada mas'uul ay wada jirka u qabteen ayaa waxaa lagu soo bandhigay decumenti xubno 29 xildhibaan oo ka tirsan labada gole ee dowladu ay horey ugu ogolaadeen Md, Firinbi iyo Shaaweey in ay ay sii wadaan howlaha gobolka Banadir iyo dowladaha hoose, kuwaasi oo xubnaha saxiixay uu ku jiro k/xigenka Ra'isulwasaaraha dowladda FS ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Ceydiid.

Md, Shaaweey iyo Firinbi Shirkooda Jaraa'id ay maanta qabteen ayaa waxaa goobjoog ahaa G/sare Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo taliyaha booliska Soomaaliya dhawaan uu u magacaabay wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax.

------------------------------------------------------------------------------

 Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka garabka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in IGAD ay ku guuldareysatay arimaha Somaliya iyo xalinta khilafka u dhaxeeya labada garab ee dowladda FS, waxa ayna sheegeen in ay soo dhaweynayaan kan haatan Jaamacadda Carabta bilaabeyso.

Xildhibaan Caamir Axmed Max'ed (Caamir shakeeti) oo u waramayay  saxaafada ayaa waxa uu sheegay in IGAD ay la heyd gogosha dib u heshiisiinta Soomaaliya balse ay ku guuldareysatay isu keenida labada garab ee dowladda FS ee kala sugan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho si loo dhameeyo khilaafka xagga fikirka ah ee u dhaxeeya.

Xildhibaan shakeeti waxa uu ugu baaqay mudanayaasha Baarlamanka FS in ay qeyb ka qaataan dadaalada nabadda ee haatan ay wado Jaamacadda Carabta, isla markaana ay tahay in loo muujiyo niyad wanaag.

Waxa uu intaasi uu raaciyay in Somaliya ay leedahay dowlad Federaal ah islamarkaana ay tahay in aan la wiiqin, isagoo dhinaca kale ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada cusub oo ay wado jaamacadda carabta, waxa uuna xusay in ay tahay xiligii dowladda FS ay ka heshiin laheyd gudaheeda walow haatan aysan jirin buu yiri fikrado waaweyn oo la isaga soo horjeedo.
 

------------------------------------------------------------------------------

Ciidamamada amaanka Yemen ayaa soo qabqabtay ilaa iyo 200 ruux oo Tahriibayaal Soomaali ah oo la shaaciyay in si sharci daro ah ay ku soo galeen dalkaasi muddooyinkii ugu dambeeyay .

Ciidamada Yemen ayaa dadkani Soomaalida ah ka soo kala qabtay Magaalada Sanca iyo Gobolada Xadarmuut ,Shabuuh iyo Al-daalic.

Dadkani ayaa qaarkood la soo qabtay dabayaaqadii todobaadkii hore sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Yemen waxaa dadkani ka mid ah 30 ruux oo isugu jira dumar iyo caruur.

109 ruux oo ka mid ah Tahriibayaasha Soomaalida ayaa laga soo qabtay Gobolka Al-daalic .

horey ayaa qusulka Soomaalida ee Yemen Xuseen Xaaji ayaa ka digay in Soomaalidu ay ku soo dhiirato xilligan oo baddu ay degan tahay ,doomaha safarkana uu bilaabmay ,isagoo sheegay in ay jirto dhibaatooyin nka soo horeeya dadka Tahriibka ku tagaya dalka Yemen .

xeebaha dalka Yemen ayaa lagu arkaa Todobaadkiiba ugu yaraan sadax doomood oo sida Soomaali iyo Ethopian Tahriibayaal oo doonaya in ay uga sii gudbaan dalka Sacuudiga ,iyadoo UNHCR ay albaabada u laabtay xeryihii qaxootiga Soomaalida ay ku lahaayeen dalka Yemen ayey adagtahay Soomaalida Yemen Tahriibka ku tageysa in loo arko dad qaxooti ah

muxyadiin cali jicaalle jakuula
Muqdisho,Somalia