Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Farans fall oo ugu baaqay hogaamiyaasha Soomaalida in ay khilaafkooda ay wadahadal ku dhameeyaan.

Lonseny Fall oo ah wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay ugu qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya ayaa madaxda Soomalida ku boorriyay in khilaafka udhexeeya ay soo xalliyaan iyagoo wadahadal adeegsanaya .

Mr fall waxaa uu madaxda Soomalida ugu baqay in ayá u dhaqaaqaan dhanka dib usoo celinta degenaashihii iyo kala danbeytii lumay ee dalka Somaaliya oo dadkiisa muddo 15 sanadood ah oo lasoo dhaafay ay dagaalo sokeye cunayeen

ףMarnaba yaan dalka loo oggolaaninfowdo iyo dagaallo sokeeye in dalku uu dibu galo ayuu yiri Mr Fall oo shacabka Soomalida meel kasta oo ay jooganbaá usoo diray dhambaal ku aadan maalinta nabada aduunka ee 21-ka Septemmber

Waxaa wakiilka Qaarmada midoobay uu sheegay in hooggaamiye yaasha Soomaalida ee xilligan ay heystaan hal fursadá oo ay dalkan ku badbaadin karayaan ,isagoo ka dhawajiyay intariikhduna ay xusi doonto wax kasta oo ay sameeyaan

Kala qeybsanaanta u dhexeysa dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo uu ka midyahay khilafka ku sabsan halka dowladdu ay dageyso ayaa cuuryaamiyay howlihiimaamulku uu qabanlahaaפayuu mar kale yiri wakiilka gaarka ah e xoghayah guud e Qaramada midoobayugu qaabilsan arrimaha wadanka Soomaliya.

Fall waxaa uu sheegay inlagu guuleysankarayo nabada laga hirgeliyo gudaha wadanka Soomaliya ,isagoo xusay in tallabadii muhiimka ahayd ee arintaa xaggeeda looqaaday ay ahayd dhismihii dowlada federalka ku meell gaarka ah ee Soomaliya oo dabayaqadii sanadkii tagay lagusoo dhisay dalka Kenya.

Waxaa wakiilka Qaramada midoobay uu ballanqaadayin heyעaddiisu ayá sii wadi doonto taageerada ay siiineyso dadaalada ku wajahan nabaddii dalka iyo horumarinta nolosha dadka Soomaalida

Waxaa jira waxyaabo farabdan oo ay jamciyadda qurumuhu sameyn kareyso ,islamarkaana ay dooneyso in ay sameyso ,laakin waxaa uu yiri waa dowladda federalka ku meel gaarjka ah ee Soomaliyaá midda looga baahanyahayin ay ushaqeyso qaab waafaqsan dastuurka federalka ku melgaarka ah oo ay tahaybuu yiri inmarka hore uu wax hoggaamiyo.

Waxaa wakiilka Unku uu madaxda Soomalida ugu baaqay in aywada shaqeeyaanoo wadahadal ay wax ku xalliyaan iyagoo is aaminaad muujinaya,waxaa uuna ka codsaday in ay kalsoonidooda iyo tan shacabka Somaliyeedba dhisaan

Wakiilku waxaa uu sheegay in degenaasho siyaasadeed oo dalku helo ay shacabka ku hoggaamindoontoá horumar iyo barwaaqo.

Horumar laga gaaro geedi socodka nabadda ee Soomaliya ayaa wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliyaá waxaa uusheegayá in uu xayiraada ka qaadi soono tageerada beesha caalamka oiminka ka xiranSoomaaliya,isagoo codsaday in dadka oo dhan ay wada noqdaan kuwo nabadda jecel.

Wakiilka Xoghayaha guud waxaa uushegay in baaqiisani uu yahay mid uu jeedinayo musnaasabadda malinta nabadda aduunka awgeed.

4 ruux oo lagu dilay weerar caawa fiidkii lagu qaaday xiibito ku taala xaafadda SOS .

Niman dabley ah oo ilaa iyo iminka aan heybtooda la garan ayaa Caawa fiidki waxaa weerar ay ku qaaden biibito yar oo ku taala xaafadda SOS ee degmada huruwaa e magaalada muqdisho ,waxaaana halkaa ku geeriyooday 4 ruux hlka 3 kalana ay dhaawayo kasoo gaareen

Afarta geeriyootay ayaa ahaa rag dhallinyaro ah oo bibitada ku qayiolayay ,halka dhaawacana yku jirto haweeney,sida ayáá ii sheegeen dad goobjoog aha

Goobjoogayaasghu waxa ay iisheegeen in koox maliishiyo ah ooá tiro ahaan 3 nin dhamaaáá ay soo istageen albaabka hore eeá maqaayadda iyagoo deetan rasaas si aan kala sooc lahayn u huwiyayá dad dhallinyaro u badnaa oo halkaa qaad ku cunayay .

Nimankii dableyda ahaa ayaa baxsada oo aan la qaban sida dadka goobjoogayaasha ahi ay iigu warbixiyeen

Dhacadan ayaa argagax weyn waxaa ay ku beertay dadweynaha deegaanka ,mana ah markii ugu horeysay oo dhacdadan oo kale ay xaafadda ka dhaco,waxaan ay ahayd goor sii horeysay markii sidan oo kale ay maliishiyooyin aan heybtooda la garani dad ugu rasaaseeyen isla xaafaddan

Dhammaanba goobaha ganacsiga ee deegaanka ayaa albaabada loo labay iyadoo daku ay ka baqabaqabaan in dhadadan oo kale ay dhacdo,maadaama aaney jirin cid u taagan ilalinta ammanjka deeganka.

Tan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dhibaatooyinkiishacabka Soomaalidu ay dhexda kaga soo jireen mudo 14 sanadood ka badan oo lasoo dhaafay walina aaney muuqan sida ay ugaá sama tabixikaraan maadaama qabqablayaashii dagalka ee taa u horseeday wali ay dhiiga shacabka usii oon qabaan.

 

Dad Soomali ah oo lug ku galay dalka Zimbamwe kaddib socdaal dheer oo ay soo Mareen

Wargeys kasoo baxa wadanka Zimbawi ayaa qoray in dad fara badan oo soomali ah ay si sharci daro ah kusoo galeen wadanka Zimbawi.

Warbixintan ayaa waxaa qortay majalad lagu magacaabo the Herad ee kaso baxda dalka Zimbabwe,waxaana aay dadkaasi lugeynayeen 4000 oo kilo mitir

Warku waxaa uu inta ku darayaa in dadkaasi oo itro ahan gaaraya 26 ay isuá dhiibeen poliska dalka Zimbabwe ee magaalada casimmada ah ee Harare maalintii isniintii ee lasoo dhaafay,waxaana dadkaa ka mid aha labo haween ah .

Wargeyska the Herald waxaa uu intaa raacinayaa in dadkaasi tiradoodu ay ka badneyd inta dalka Zimbabwe soo gaartay lakin kuwii kale ayaa ku haray dalka Muzambiqur.

Dadkasi Soomaliyeed ayaa wargeyska u sheegay in Soomaliya aaney ahayn meel nabad ah oo u dagaal wali ka taaganyahayinkastoo dowlada lasoo dhisayna ay dowladdasi wali tahay mid kala qeybsan,iyaguna ay haatan yihiin kuwo nabad ay ku noolaadaan baadigoobkeeda uso hayaamay.

Sarkaal sare oo katirsanpoliska maghaal;ada Maraare ayaa wargeyska the herald u sheegay in dadkaasi la geeyayá xero qoxooti oo ku taala duleedka koofureed ee dalka Zimbabwe ,iyadoo arintoodana loo xilsaaray waaxda socdaalka dalka .

Bishii April ee lasoo dhaafay ayaa kooxo soomaaliyeed oo sidan oo kale sharcidarro kusocdaalayay waxaa ay iska dhiiben dalka Mallaawi ,iyagoo tiro ahana dhammaa 42 rux .

Dadkaasi aya agalay dalka Malaawi kaddib markii mudo laba bil iyo bar ah oo ay soo jareená laba kun iyo laba boqol oo kilo mitir ay jidka kusoo jireen .

Tahriibka ayaaa ka mida waxyabaha laayay dadka Soomalida mudaii dowlad laעaantu ay jirtay ee lasoo dhaafay,waxaana dowladda federalka Soomaaliya looga fadhiya in ay si dedg deg ah ugu dhaqaaqdo samatabixinta shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com