Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Wararkii ugu danbeeyey ee Jowhar kasoo baxa.
 
xubnaha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaalioya gaar ahaan xubnaha golaha wasiirada ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee xarunta dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaliya.kulankan ayaa la sheegayaa in uu shir gudoominayay ra'isulwasaaraha dawlada federaalka Soomaaliya Prof cali Maxamed geedi .
 
kulankan maanta ay yeesheen xubnaha golaha wasiirada ee Jowhar ku sugan ayaa waxaa looga dooyey arimaha nabadgelyada,dib u eegista miizaaniyada dawlada ,xeer hoosaadka golaha wasiirada iyo qorshaha dawladu ay ku nabadeyneyso magalaada Muqdisho.
 
kulankan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in lagu dhisay guddi ka kooban wasiiro oo kasoo shaqeeya nabadgelyada qaranka waxaana guddigaasi ka mid ah Xasan Maxamed Nuur Shaati guduud ,Maxamed maxamuud gacma dheere iyo maxamed nuuraani bakar.Maxamed maxamuud xayir oo ah wasiirka warfaafinta dawlada federaalka ayaa sheegay in kulankii maanta uu ahaa mid si wacan la isugu afgartay wax yaabihii lagu soo qaaday.
 
dhanka kale masuuliiyiin ka tirsan golaha barlamaanka dawlada canada iyo masuuliytiin kale oo ka socotay jaaliyada soomaaliya ee canada ayaa maanta ka soo dagay garoonka magaalada jowhar.wafdigan maanta soo gaaray magaalada jowhar ayaa waxa ay booqasho ku tageen xarunta dawlada iyo idaacada magaalada jowhar ayadoo la filayo in waqtiyada soo socda ay kulamo la yeeshaan madaxweyne c/laahi yuusuf axmed iyo ra'isulwasaare cali Maxamed geedi.
 
wafdigan ayaa doonaya inuu kaalmo ballaaran ka geysto dib usoo celinta adeegyadii caafimaadka iyo wax barashada .
 
Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho .