Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Sarkaal ka trsan Qaramada Midoobay oo lagu dilay Kismaayo

Labo Nin oo Dablay ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxay bartamaha Magaalada Kismayo ku dileen Sarkaal hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Nabadgalyada, kaas oo la dilay isagoo markaasi ku sii jeeday gurigiisa.

Ninkan la dilay oo lagu Magacabi jiray Maxamud Muuse Huraab ayaa la ogeyn sababta loo dilay,laakiin warar kala duwan ayaa waxay sheegayan inay la xiriirto in hay’adaha Qaramada Midoobay loo sheego inaan kismaayo ka jirin wax amaan ah sidaas darted aan la soo degi Karin.

Ilaa iyo hadda Saraakiisha Maamulka Dooxada Jubba wax war ah kama soo saarin dilka loo geystay kuxigeenkii Arrimaha Nabadgalayada Jubbooyinka u qaabilsanaa hay’adaha Qaramada Midoobay.

Ma aha dilkii ugu horeeyay oo loo geysto dadka Aqoonta leh,waxaa jirta in sanadkan gudihiisa la dilay in ka badan 50 Aqoonyahan kuwaas oo aan la ogeyn sababaha loo dilay.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya