|
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soamliya Francois Fall ayaa
ku soo Fool leh dalka Somaliya si uu wada hadalo ula yeesho Madaxweyne C/laahi
Yuusuf.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya
Francois Lonseny Fall ayaa maalinta berri ah waxa uu soo gaari doonaa
magaalada Jowhar si uu wadatashiyo ula yeesho Madaxweyneha dowlada FS C/laahi
Yuusuf Axmed
sida ku cad nuqul ka soo baxay xafiiska UNPOS ee magaalada Nairobi.
Booqashada Francois Falla ayaa waxa ay qeyb ka tahay dadaalada la doonayo
in xal nabadeed lagu helo ismaandhaafka ka dhex jira dowlada F.S waaxyaheeda.
Ismaandhaafyadaas ayaa waxaa ku jira halka dowladda ay saldhigan laheyd,
iyadoo Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo Ra’iuslwasaare Geedi ay dageen
magaalada Jowhar, iyagoo sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay meel aan
xasilooneyn.
Gudoomiyaha Baaralamanka F.S Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mid
ah golaha wasiirada iyo tiro xildhibaano ah ayaa waxa ay ku adkeysanayaaan
in Muqdisho ay tahay goob nabadgalyo dowladuna ay dagi karto.
Danjire Fall ayaa ku booriyay dhamaan golaha wasiirada in ay galaan wada
tashiyo albaabada u furi kara dib u heshiisiin.
Golaha amaanka ee Q.M ayaa bishaan waxa ay walaac ka muujisay xaaladda
aan meel u dhaqaaqeyn ee amaan darro ee ka jirta Somaliya iyo maqnaanshaha
wada hadal siyaasadeed.
Golaha waxaa sidoo kale uu ku boosiyay beesha Caalamka dalalka dariska la
ah Soomaliya in ay wadaan taageerada wada jirka ah ee la siinayo wada
xaajood siyaasadeed oo laga dhex furo hogaamiyeyaasha dowladda FS./
Booqashada Fall maalinta berri ah uu ku imaanayo magaalada Jowhar ayaa
waxa ay timid ka dib markii Fall wadatashiyo arimaha Somaliya ah uu la soo
yeeshay hogaamiyeyaasha dalalka Ruushka, Sweden, Masar, Ethiopia iyo
wadatashiyo uu la sameeyay xarunta Midowga Yusuf ee ku taala magaalada
Athens, waxaana sidoo kale la sheegayaa in Danjire Fall uu xiriir dhow la
leeyahay ururka
Jaamacadda Carabta, ururka midowga Afrika iyo dalalka ku jira Afrika oo
guud ahaan uu kala hadlay sida laga yeelayo khilaafka ka dhex taagan labada
gole ee dowlada FS.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somali
|