|
wakiilka xogeeyaha guud arimaha somaliya oo ka digey dagaalo kale
Wakiilka xoghayaha guud ee Q.M ee Somaaliya Francois Foll ayaa waxa uu
sheegay in labad garab ee dowladda FS ay muujiyaan daganaasho, isagoo
dhinaca kale ka digay xiisado ka dhasha maleeshiyooyinka la leenay
magaalada Jowhar
Ergeyga gaarka ah ee Q.M u qabilsan arimnaha Soomaaliya Francois Foll
waxa uu ugu baaqay labada dhinac ee xukuumadda FS in ay muujiyaan daganaasho
iyo xasilooni ka dib markii maalintii shalay aheyd ay soo baxeen xiisado
dhaliyay in qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adaha samafalka laga raro
magaalada Jowhar.
Foll waxa uu sheegay in uu aad uga walaacsan yahay xiisadaha ka soo
cusboonaaday magaalada Jowhar iyo Muqdisho isagoo ugu baaqay labada garab ee
dowladda in ay xal ka gaaraan farqiga u dhaxeeya.
wakiilka gaarka ah ee xogeeyha guud ee qaramada midoobe u qabilsan
arimnaha Soomaaliya Francois Fall ayaa hadal uu soo saaray waxa uu ku
sheegay raga kala jaban ee mas’uuliyiinta u ah dowladda in ay eegaan sidii
xal lagu helilaha isla markaana aysan ka baabulin dagaalo hor leh oo ka dhac
guadha dalka Soomaaliya
Waxaan ugu baaqayaa ayuu yiri labada dhinaca ee dowladda FS in ayka
shaqeeyaan olole dhiiri galin kara in la gudo galo wada wadaxaajood loo dhan
yahay oo aaney cidinaka maqneyn.
Waxaana loo baahan yahay in la sii ambaqaado qeybaha dowladda ay ku
shaqeyn karto ma ahan ayuu yiri in la soo nooleeyo xiisado colaadeed oo ka
dhaca dalka Soomaaliya iyadoo la og yahay colaadii ay soo mareen dadka
soamaliya
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
muqdisho somaliya
|