|
Wafdi ka socda Midowga yurub oo maanta magaaladda Jowhar kula kulmay R/geedi
Wafdi ka socda midowga Yurub oo maanta soo gaaray magaalada Jowhar ayaa
kulan la yeeshay Ra’isulwasaaraha dowladda FS Prof. Cali Max’ed Geedi,
iyagoo kala hadlay arimo dhowr ah.
Wafdigaan uu hogaaminayay Danjiraha midowga Yurub u jooga magaalada
Nairobi ee qaabilsan arimaha Somaliya Richard Hands ayaa waxa ay ka wada
hadleen labada dhinac sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya midowga Yurub iyo
Somaliya, iyadoo si gaar ah wafdiga uu uga tacsiyeeyay umadda Soomaaliyeed
iyo dowladda FS weerarkii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu
qaaday Kolonyo galbineysay Ra’isulwasaaraha dowladda FS
Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay booqashada uu Ra’isuwasaare
Geedi ku tagayo xarunta midowga Yurub ee ku taala magaalada Brussels ee
dalka Belgium ka.
Kulankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’isulwasaare K/xigeenka ahna
wasiirka maaliyadda dowladda FS Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka arimaha
dibada C/laahi Sheekh Ismaciil iyo wasiirka qorsheynta iyo xiriirka
Caalamiga C/risaaq Jurille iyo waliid Muuse oo ah u qeybsanaha xafiiska
arimaha siyaasadda Midowga Yurub uu ku leeyahay magaalada Nairobi.
Sidoo kale Wafdigaan Midowga Yurub ayaa waxa ay la kulmeen Madaxweynaha
dowladda FS C/laahi Yusuuf Axmed, iyagoo u cadeeyay in waxii ka dambeeya
hadda aysan aqoonsaneyn in uu jiro khilaaf macno leh oo u dhaxeeya dowladda
FS.
Wafdigaan ayaa waxa ay u mahadceliyeen dowladda FS sidii diiraneyd ee ay
ugu soo dhaweeyeen magaalada Jowhar, waana markii ugu horeeysay oo wafdigaan
uu soo gaaro halkaasi tan iyo markii dowladda FS ay soo dagtay magaalada
Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Muxyadiin Cali jimcaalle
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|