Wafdi ka socda xukuumada Soomaaliya oo
Baladweyn u ambabaxay.
wafdi uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada dawlada federaalka Soomaaliya
Cali C/laahi Cosoble ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta
gobolka Shabeelaha dhexe ayagoo kusii jeeda gobolka Hiiraan gaar ahaan
magaaladiisa Baladweyn.
wafdigan ayaa ujeedka socdaalkiisa waxaa lagu sheegay in ay tahay xalinta
khillaaf soo kala dhex galay wax garadka gobolka iyo xukuumada federaalka
ka dib markii xukuumada ay ku dhawaaqday in ay kala laabatay gobolka
Hiiraan xaruntii ciidanka xoogga dalka.
wafdigan ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeesho xubnaha
odayaasha dhaqanka si ay uga dhaadhiciyaan in dawladu ay weli ku
dhegentahay mowqifkii hore oo ah in Hiiraan uu yahay xarunta ciidanka
xoogga dalka.dhinaca kale waxaa soconaya ciidamo lagu ururinayo deegaanka
Ceel gaal oo magaalada Baladweyn u jira 15 kiilo mitir .
ciidankaasi ayaa la sheegayaa in ay sugayaan amaanka wadada ayadoo sidoo
kalena ka hortagaya ciidan la sheegay in Feer Feer ay ku sugan yihiin
doonayana in Jowhar ay usoo gudbaan .magaalada Baladweyn ayaa xaaladeeda
aan iminka deganeen ayadoo weli uu magaalada saaranyahay bandow xusaya in
magaaladu aanay soo gali karin gawiiri ka timaada dibada gobolka Hiiran.
odayaasha ayaa xukuumada federaalka ku eedeynaya in ay ka baxday hashiis
ay horey u wada sixiixdeen oo ahaa in Hiiraan uu yahay xarunta ciidanka
xoogga dalka.
Maxamed cumar Sheekh .
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|