Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

                  Wafdi caalami ah dhawaan Soomaaliya soo gaari doona.

 
waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhawaan Soomaaliya uu soo gaari doono wafdi caalami oo ka socda qaramada midoobay kaasoo ujeedkiisu yahay soo dhamaynta khilaafaadka ka dhex jira dawlada ku meel kaarka ah ee Soomaaliya .
 
wafdigan ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaato xubnaha sar sare ee sawlada ka tirsan kuwaasoo ayagu is khilaafsan sida gudoomiyha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweyne C.laahi Yuusuf Axmed iyo raisulwasaare Cali Maxamed Geedi iyo xubnaha kale ee Muqdisho ku hubeysan kuwaasoo diidan inta badan siyaasada ay wax ku maamulayaan Geedi iyo Yuusuf. arimaha labada kooxood ee ku kala sugan Muqdisho iyo Jowhar ay isku diidan yihiin ayaa waxaa ka mid ah arinta keenista ciidamo ka socda wadadmada safka hore iyo imaanshaha magaalada Muqdisho.
 
madaxweyne C/laahi iyo ra'isulwasaarihiisa Cali Maxamed ayaa ku adkaysanaya in dawlada ay sii degto magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo iyo keenista ciidamo aan kala sooc lahayn oo ka kala imaada dhamaan wadamada afrika inkastoo madaxweyne C/laahi uu sheegay in uu arintaasi ka tanasulay.tanasulka C/laahi uma muuqdo mid dhab ah waxaana jirta in madaxweynuhu uu doonayo arintaasi inuu ku kasbado dareenka caalamka oo uu u muujiyo inu yahay nin doonaya nabada kuwa Muqdisho ku suganna ay yihiin kuwo kasoo horjeeda nabada oo doonaya in dawladiisu aysan hirgalin.
 
dhinaca kale waxaa maanta kulan ay labaabadu u xiranyihiin ku yeeshay hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan .
 
kulankan ayaa la sheegay in xubnaha labada gole ay kaga arinsanayeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hadalada kasoo yeeraya madaxweynaha iyo ra'isulwasaaraha ee ah in Muqdisho aan la nabadeyn karaynin isbaarana aan la qaadi karin arintaasina ay ogyihiin kuwa Muqdisho ku sugan,amniga magaalada Muqdisho ,sidii loo wadi lahaa qaadista isbaarooyinka iyo dar dar gelinteeda ,dagaalkii ka dhacay magaalada Baladweyne tuullo ku dhow kaasoo dhex maray ciidan ka socday Puntland iyo maleeshiyo beeleed ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo qodobo kale oo ay ka mid tahay waxyaabihii labada gole ee Muqdisho ku sugan ay hordhigi lahaayeen gudiga caalamiga ee loosoo xilsaaray dhamaynta khilaafka labada dhinac.
 
sidoo kale waxaa maanta magaalada Mqudisho dib ugu soo laabtay xubno xildhibaano ah oo maalmahan ku maqnaa magaalada Nairobi uuna horkacayay xildhibaan Sifir.
 
wafdigan ka yimid Nairobi ayaa la sheegayaa in ay Nairobi u tageen wadahadal ay la yeelanayeen safaadaradaha wadamada deeqaha bixiya ay halkaasi ku leeyihiin
 
Maxamed Cadde.
Rochester Somali TV Muqdisho.