|
diyaar garow lagu soo dhaweynayo wafdiga
Fowsiyo oo Baydhabo ka socda.
magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa ka soconaya abaabul la
doonayo in lagu soo dhaweeyo wafdi ay horkacayso wasiirada arimaha qoyska
iyo haweenka dawlada KMG ah ee Soomaaliya oo haatan ku sugan degmada
Buurhakaba ee gobolka Bay.
maamulka gacanta ku haya magaalada Baydhabo ayaa wada abaabulkan soo
dhaweynta ah waxa ayna doonayaan in si heer sare ah ay ugu soo dhaweeyaan
wafdiga ka socda xukuumada federaaliga ku meel gaarka ah ee Soomaaliya .
inkastoo uu socdo diyaar garowgan haddana waxaa magaalada Baydhabo ka jira
amaan xumu sii kordhaysa maalinba maalinta ka danbeysa.
waxaana la filayaa in marka Fowsiyo iyo wafdigeeda ay soo gaaraan
magaalada Baydhabo ay durba bilaabaan kaulamo ay la qaadanayaan
mas'uuliyiinta ugu sar sareysa ee Baydhabo gacanta ku haysa si ay uga
dhaadhiciso dhex dhexaadinta ay doonayso in ay ka dhex bilowdo garabyada
RRA-da ee ku diriraya gacan ku haynta magaalada Baydhabo.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|