Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Wadamada dadkoodu lagu dhex haysto maraakiibta ku afduuban xeebta Kismayo ayaa codsi u diray qaramada midoobay.

Wadammada  Taywaan iyo Filibiin ayaa ka codasaday qaramada midoobay in ay kaalin aad u ballaran ku yeelato sidii loo deyn laha maraakiib 3 ah oo lagu heysto xeebaha m,agaalada Kismayo ee xarunta goblka Jubbada hoose ee dalka Soomaaliya

Radio  Australia ayaa maanta ku warramay in  wadamada Taiwan iyo Philippine ay billaaben dadaaallo dheeraad ah oo ay ku  doonyaaan in lagu daayo maraakiibta sadexda ah ee laheysto iyo shaqaalaha saaran.Labada wadan ayaa haatan waxaa ay rajo ka qabaan in qaramada midoobay ay door weyn ku yeelato dadaalada soconaya ee ladoonayo in lagu daayo maraakiibta lagu haysto jasiiradda Kooyaame ee magaalada Kismayo ku dhow.

Kooxo dabley ah ayaa waxay bishii August 16-keedii qabsadeen maraakiibtan oo ka diiwaan gashan wadanka Taiwan, balse ay saaran yihiin dad u dhashay waddamo kala duwan oo ay ku jiraan Shiinaha ,Indonisiya iyo Fiyadnam.

Weriyeka ka howl gala  Raadiyaha wadanka Australia oo jooga magaalada Manila caasimada wadaka Filibiin ayaa sheegay in wasaaradda arimaha dibadda  Filibiin ay kala xaajootey waddanka Taiwan sidii loo doo deyn lahaa markaakiibtaas oo dableyda haystaahi ay sheegteen lacag madaxfurasho ah oo gaaraysa 50,000 in laga siiyo markab kasta.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda  Philippine oo lagu magacaabo Gilbert Asuque ayaa sheegay in 12 qof oo filipin ah ay ku xayiran yihiin maraakiibtaasi dushooda .
Sidoo kale, dawladahan ayaa danaynaya in ay Qaramada Midoobey qayb ka qaadato soo deynta mawaadiniinta Asian-ka ah ee ku dul xanniban maraakiibtaasi .

Maxamed Cumar Sheekh .

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.