|
Wadahadalo cusub oo lagu doonayo in
lagu dhameeyo khilaafka dawlada oo Jibuuti ka bilaaban doona
dowladda djibouti ayaa ku casuuntay dalkeeda
saddexda mas'uul ee ugu sarreeya dowladda oo kala ah C/laahi Yuusuf Axmed
madaxwaynaha,Cali Maxamed Geeddi, ra'iisul wasaaraha,iyo guddoomiyaha
baarlamaanka shariif Xasan Sheekh Aadan oo haatanba ku sugan magaalada
Djibouti.
dowladda djibouti ayaa isku dayaysa in ay markeeda bal isu keento
mas'uuliyiinta Soomliyeed ee khilaafku kala geeyay si ay u noqdaan
kuwo isku meel wax u wada haddii ay ku guulaysato, taasi waxay meesha ka
saareysaa khilaafkii soo jiitamayey dhowrkii Bilood ee ina dhaafey.
ra'iisul wasaare cali maxamed Geeddi ayaa
maanta la filayaa in uu ka duulo garoonka degmada Jowhar,isagoo ku sii jeeda
magaalada Djibouti si uu wada hadalladaasi uga soo qayb qaato. madaxwayne C/laahi
Yuusuf Axmed ayaa isna la filayaa in uu soo gaaro magaalada Djibouti
saacadaha soo socda isagoo haatana kusugan magaalada Sanca ee dalka Yaman.
dowladda Yaman ayaa horay ugu guul
darraysatay in ay heshiisiiso madaxwayne Yuusuf iyo guddoomiyaha
baarlamaanka shariif xasan sheekh aadan,lamana oga sida ay dowladda djibouti
ay ugu guulaysan karto xallinta khilaafka meesha sare gaaray ee u dhexeeya
madaxda dowaldda dhawaan dhaladka ah ee dalka somalia oo iyadoo 7 bilood
jirta khilaaf xooggani hareeyay habkii ay dalka uga howl bilaabi lahayd.
Maxamed cumar sheekh(Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|