Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Wadaadkii ugu sareeyey Madhabta katoliga ee waqooyiga dalka kenya oo toogasho lagu dilay
 
War goor dhawayd soo gaaray xafiiska Rochester Somali TV ee magaaladda Nairobi ayaa sheeggaya in xalay lagu dilay magaaladda dhinaca waqooyi ee kenya ku taalla ee Marsabit wadaadkii ugu sareeyey madhabta katoliga oo la oran jiray Luigi Docal oo 75 jir ahaa
 
Dilkani ayaa yimid kadib markii koox aan haybtoodda la garanaynin ay tacshiirad ooda kaga qaadeen gaari uu markaasi saarnaa Badariga oo ku sii jeeday gurigiisa oo dhowr iyo toban Km dhinaca bari ka xigtay magaaladda marsabitMagaaladda Marsabit oo ku taalla dhinaca waqooyi ee kenya ayaa waxaa baryahan dambe ka soconayey dagaallo ba"an oo u dhexeeyo labo Beelood oo halkaasi wada degta,Iyadoo ay dagaaladaasina ku dhinteen dad kor u dhaafaya ilaa boqol ruux halka dhaawucuna uu intaasi ka badanyahay
 
Dagaalkani oo ah kii ugu horreeyey ee abid ka dhacay dalka kenya islamarkaasna geesta qasaarooyin naf iyo maalba leh,ayaa hadda waxaa ka soconaya magaladda marsibit dadaal lagu doonayo in lagu dhex dhaxaadiyey beelaha ay dirirtu ka dhaxayso
 
Cutubyo ka tirsan ciidanka booliska iyo waliba kuwa loo yaqaanno GSU da ayaa waxaa ilaa iyo shalay lagu daad-guraynayey magaaladda marsabit si ay u kala dhex galaan dadka soomaalida ah ee halkaasi ku dagaalamaya Dagaalkani ayaa waxuu u dhexeeyaa Beelaha Boranta iyo Garbista kuwaasi oo isku haysta Biyo iyo baad ay xoolaha ka cabaan iyo waxyaabo kale oo la xiriirto aanooyin khabiil
 
In ka badan 20 ruux oo ka mid ahaa dadkii dagaalamayey ayaa waxaa gacanta ku dhiggay ciidanka booliiska oo adeegsanayey diyaaradaha qumaatiga u kaco si ay kooxahaasi uga baadhaan keemaha ku haraysan magaaladda oo looga shakiyey in ay isku urursanayaan
 
Sikastaba ha ahaatee Taliyaha Ciidanka booliiska ee magaaladda marsabit Mr Hillary Muguku oo aan saakay kula xiriirnay teleefonka gacanta ee Mobile-ka loo yaqaanno ayaa RSTV u sheeggay in kooxahaasi ay gubeen ilaa iyo sodomeeyo guryood islamarkaasna waxaa magaaladda ka taabo gashay bililiqo aad u baaxad wayn walow uu sheegay in xaaladda ay iminka degantahay islamarkaasna ay is u gaadhsanayaan ciidanka booliiska iyo kooxihii xasuuqa ka gaystay magaaladdaasi
 
Taliyaha Ciidanka booliiska ee magaaladdaasi ayaa sheeggay in ay haatan socoto Xawaalidda dadkii ku geeriyooday dagaalkii halkaasi ka dhacay,Iyadoo dhinaca kalena dadkii ku soo dhaawacmay dagaalkaasi iminka lagu dawaynayo hospitalada dawladda ee magaaladda Nakuru
 
Mursal Quulle Rochester Somali TV
Xafiiska Labaad ee RSTV ee Nairobi