|
UNDP da
oo la sheegay in ay hor istaagtay socdaalo xildhibaano ay ku imanlahaayeen
Muqdisho iyo Kismaayo.
Qaar ka mid ah
xildhibaannada baarlamaanka DFGS ee ku sugan magaalada ayaa cambaareyn dusha
kaga tuurey hay’adda UNDP oo ay sheegeen in ay ku khasbayso waxa aaney
dooneynin..Xillibaanadan oo ah xillibaanada aaminsan in Muqdisho dawladu
ay ku degto ayaa intaa ku daray in UNDP da ay ka hor istaagtay safarkoodii
ay ku doonayeen in ay ugu soo ambabaxaan magaalooyinka Muqdisho iyo Kismayo
Xildhibaan Cabdi
Cabdulle Cismaan oo loo yaqaan Jinni boqor oo ka mid ah xildhibaannadaasi
ayaa sheegay in UNDP da ay u diidday in ay siiso dayaarad ilaa 50
xildhibaan oo doonaya in ay usoo ambabaxaan magaalooyinka Muqdisho iyo
Kismaayo.Xillibaan Jinni boqor waxa kaloo uu sheegay in ha’addu ay ka
dalbatay in ay u ambabaxaan magaalada Jowhar oo ay ku suganyihiin xubno uu
hormuud u yahay ra’iisul wasaareCali Maxamed Geeddi,
Jini
boqor waxa intaa raaciyey in haddii UNDP da ay dhaga ka fureysato
dalabaadkooda ah in dayaarada la siiyo ayna is dabari doonaan.
Carqalad soo food saartay nabadeyntii laga dhex waday beelihii ku
dirirey Mudug iyo Galgaduud
Waxaa carqalada
au lasoo gudboonaatay dadaalladii la doonayay in la isku soo horfhadiisyo
beelihii dagaalladu ay ku dhex mareen gobollada Mudug iyo Galgaduud ka dib
markii guddigii dhexdhexaadinta waday ay ku guul darraysteen in labada beel
ay ka dhaadhiciyaan in ay isasoo hor fadhiistaan.
Maalmihii la soo
dhaafay ayay guddiga dhex dhaxaadintu waxa uu waday kulamo goonogooni ah oo
ay la yeelanayeen beesha Saleebaan oo si weyn uga caga jiideysa in labada
dhinac ay isa soo hor fadhiistaan.Odayaasha dhexdhexaadinta wada ayaa ku
guuldareystay in labada beel ay ka dhaadhiciyaan in ay kasoo qeybgalaan
gogol 15 kii bishan lagu ballansanaa in ay ka dhacdo deegaanka Dhuuso Mareeb
ee gobolka Galgaduud.
Odoyaashan oo
kulan ku yeeshay guriga Sh Axmed Nuur Jimcaale maamulihii hore ee shirkada
xawaalada Barakaat ee la xiray ayaa isku raacay in ay howsha ku wareejiyaan
xillibaanada iyo wasiirada dawlada sida wararka halkaasi aynu ka helnay ay
sheegayaan.Bilihii la soo dhaafay ayaa wararku sheegayaan in wax dagaal ah
halkaasi aanu ka dhicin Hadana waxaa weli muuqata ifafaale colaadeed .Dadka
gobolkana waxa ay cabsi ka qabaan in ay dib usoo laabtaan dagaaladii dhiiga
faraha badnaa uu ku daaday barakaca weynna sababay,ayadoo dagaalkaasi la
isku adeegsaday hubabka aadka u culus sida kaarayaasha.
Maxamed Cumar
Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester
Somali TV. Muqdisho
|