Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xafiiska siyaasada ee Q.M ee Somaliya ayaa cambaareeyay isku daygii shirqool ee lala damcay Ra'isulwasaare Geedi oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Q.M u qaabilsan arimaha Somaliya Mr. Farancois Fall ayaa waxa uu sheegay Ra'isulwasaaraha Somaliya Prof. Geedi wax yar ka dib markii uu ogaaday in weerarka uu dhacay, inuu ku farxay markii uu maqlay in Ra'isulwasaaraha uu ka bad baaday weerarkii shalay lagu qaaday kolonyadii uu saarnaa.

Danjire Fall oo iminka ku sugan magaalada New York si uu uga war bixiyo xaaladaha Somaliya ayaa waxa uu tacsi u direy Ra'isulwasaare Geedi iyo ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkii shalay lala beegsaday Ra'isulwasaare Geedi.

Ninka ku xiga Mr. Fall ee la yiraahdo Babafemi Badejo ayaa sheegay in qudhiisa ay neef ka soo booday markii uu maqlay in Ra'isulwasare Geedi uu ka baxsaday weerarkii lala beegsaday, isagaa aad uga walaacay qasaaraha nafeed ee dhacay iyo dhaawacyada soo gaaray dadkii iyagu la socday Ra'isulwasaare Geedi.

Waxa uu ku tilmaamay in weerarkaasi uu ahaa mid qarbudaad ah oo ka dhan ah amaanka la doonayo in lagu soo dabaalo magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in weerarada lagu qaadayo hanaanka nabadda ay tahay kuwo wiiqaya rajada laga qabo in dalka Somaliya dib loogu soo celiyo xasiloonidii iyo kala dambeyntii 14 sano ka dib.

Q.M ayaa waxa ay horkaceysaa dadaalo nabadeed oo xal waara loogu raadinayo khilaafaadka dhex yaala xubnaha dowladda FS ee ku kala qeybsan Muqdisho iyo Joiwhar.

Khilaafaadkaasi oo ku saleysan halka dowlada ay saldhiganeyso, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaare Geedi ay dageen magaalada Jowhar oo ay ku tilmaameen in xiligaan amaan xumo ka jirta magaalada Muqdisho aysan sal dhigan karin dowlada halka afhayeenka Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo qaar ka mid ah wasiiro fadhigoodu yahaya Muqdisho ayaa waxa ay ku adkeysanayaan in Muqdisho ay amaan tahay oo dolwadu ay saldhigan karto.

Dhinaca kale hay'adaha Inax iyo Elman oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa cambaareeyay Falkii lagu weeraray shalay wafdigii Ra'isulwasaare Geedi, iyagoo ku baaqay in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay falkaasi.

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya