|
Francois Fall oo gaarsiinaya la tashiga arrimaha Soomaaliya dalalka Ruushka
iyo Sweden
Wakiilka gaarka ah ee Xogayaha Guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya Mr:
Francois Lonseny Fall ayaa toddobaadkani u safri doona magaalooyinka Moscow
iyo Stockholm ee dalalka Ruushka iyo Sweden, socdaalkaasi oo qeyb ka ah
dadaaladda sii socda ee xal nabadeed loogu raadinayo kala qeybsanaanta xagga
fekerka ee DFS.
Danjire Fall, ayaa ku hormari doona xarunta dalka Ruushka ee Moscow oo uu
ku beeganyahay 13-ka bishan oo ah maalinta berito waxaana booqashadiisa ku
casuumay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov iyada oo
Mr: Fall iyo Sergei Lavrov ayaa is dhaafsan doono fekero ku saabsan sida ugu
wanaagsan ee loo fududeen karo dib u soo celinta nabadda iyo amaanka
Soomaaliya.
Mr: Fall oo booqashadiisa beri ee Ruushka ka dib u soo gudbi doona
waddanka Sweden ayaa waxaa magaaladda Stockholm uu joogi doonaa 14-ka ilaa
iyo 15-ka isaga oo kulamo wadatashi ah la yeelan doona Ms. Annika Soder oo
ah wasiiradda iskaashiga caalamiga iyo horumarinta ee dalka Sweden iyo sidoo
kale wakiilo kale oo ka tirsan xukuumadda Sweden.
“Golaha amaanka ee Q.M waxuu walaac weyn uu ka muujinayaa xaaladda amaan
daro ee soo taagan ee dalka Somalia iyo maqnaanshaha wadahadalka siyaasadda”
ayuu yiri Mr Fall.
Danjire Fall ayaa intaasi raaciyay in kulan aan caadi aheyn oo Golaha
amaanka ee Q.M uu ka yeeshay arrimaha Soomaaliya 4-tii bishan, ay xubnaha
golaha ku nuuxnuuxsadeen baahida ah in dib loo bilaabo wadahadalo
siyaasadeed oo dhex mara hoggaamiyayaasha DFS gaar ahaan in labadda garab ee
imminka kala boodsan ay ka wada hadlaan qorshaha amaanka qaranka iyo
xasiloonida iyo hirgelinta qorshahaasi.
Golaha amaanka ayaa sidoo kale kulanka uu yeeshay 4-tii bishan ku
booriyay beesha caalamka iyo wadmadda deriska la ah Soomaaliya in ay wadaan
taageeradda ay siinayaan wada hadalo loo dhanyahay oo laga dhex furo
hoggaamiyayaasha DFS, waa sida uu sheegay Danjire Fall.
Booqashooyinka ee ergayga gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arrimaha
Soomaaliya, Mr: Francois Fall uu ku tagayo dalalka Ruushka iyo Sweden ee
kula soo tashanayo arrimaha ayaa waxaa ka horeysay mid bishii aynu soo
dhaafnay uu ku tegay dalalka Masar, Itoobiya, Ingiriiska, Sweden iyo
Biljimka iyada oo hoggaamiyayaasha dalalkaasi uu kala tashaday sida ugu dhow
ee loo dhex geli karo garabyadda DFS ee kala boodsan.
Muxiyiin Cali Jimcaale Jakuula,
Mogadishu-Somalia
jakuula@hotmail.com
|