Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ugaaska beesha Max'ud Hiraab Ugaas Muxyidiin Ugaas Faarax ayaa maanta ka badbaaday isku day la doonayay in lagu khaarijiyo,iyadoo dhaawac xooggan uu ka soo gaaray gacanta midig.

Ugaaska ayaa la weeraray xilli uu ka soo baxay gurigiisa oo ku yaalla agagaarka isbitaalka Alcarafaat ee magaalada Muqdisho,waxaana weerarka lagu soo qaaday lala xiriirinayaa dil qisaas ah,oo deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud lagula fuliyay nin gacan ku dhiigle ahaa oo horay u dilay Marxuun la oran jiran Nuur Cabdulle Dhiblaawe.xukunkaasi oo ay fulisay maxkamadda islaamiga ah ee deegaanka Ceel garas.

Ugaaska ayaa dhaawiciisa la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho,waxaana dhaqaatiirtu sheegayaan in dhaawaca ugaaska ka soo gaaray gacanta midig uu yahay mid aad u fudud.

Ugaaska oo ay waraysatay RSTV ayaa beeniyay in dhaawiciisu khatar yahay,waxa uuna sheegay in xaaladdiisu ay wanaagsan tahay,waxa uuna intaa ku daray in firir yari uu soo gaaray.

Ugaasku waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo waxa keenay weerarkiisa isagoo yiri “ Ma doonayo in aan arrintaa ku dheeraado

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya