Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Tuulooyinka lagu gubay gobolka Bay
 

 
 
Shan Tuulo ayaa lagu gubey dagaalo goos goos ah oo shaley laba malleeshiyo beeleed ku dhexmarey. deegaanka Idaale ee Gobolka Bay. iyadoo dagaalo u dhexeeya beelahaasina ay in dhowaaleba halkaasi ka dhaceyeen.

Tuulooyinka lagu gubey iska horimaadyadii shaley dhex marey malleeshiyooyinka labada beelood ee ku dagaalamaya deegaanka Idaale ee Goblaka Bay, ayaa la sheegey in ay ahaayeen tuulooyin yar yar oo isu dhodhowaa, kuwaasoo dadkii degganaana ay intooda badan uga qaxeen dagaaladan soo noqnoqanaya oo u dhexeeya labada beelood.

lama sheegin ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaarey labadan malleeshiyo beeleed, oo shaley iska hor imaadyo goos goos ah ku dhex mareen nawaaxiga tuulooyinka la gubey.

Qaar ka mid ah tuulooyinkani ayay wararku sheegayaaan in xittaa la gubey bakaarihii uu badarku ku jirey, iyadoo deegaankan ay dagaaladu ka socdaan uu yahay deegaan beereedka ugu wax soo saarka badan gobalka bay.

In ku dhow toban Tuulo, ayaa lagu gubey dagaalkani, tan iyo intuu dib u bilowdey dabayaaqadii bishii aynu kasoo gudubney, boqolaal qoysna way ku barakaceen, iyadoo isla mar ahaantaana uu geystey khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba isagu jira.

Waxaana dagaaladan lagu gubey tuulooyinkani ay dhaceen shaley , iyadoo guddi dhexdhexaadin ah, oo ka soo baxey magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin degmada Qasaxdheer, halkaas oo wararku sheegayaan in odayaasha dhexdhexaadinta ay maanta gelinkii horeba gaareen Tuulada Korombood, oo ay kula kulmeen mid ka mid ah masuu'lyinta bee