|
Taliyaha ciidanka booliska somaliya oo ku soo laabtay magaalada jowhar
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya
in Taliyaha Booliska Soomaaliyed Jen Cali Madoobe kadib markii socdaalo gaar
ah ku tagay degaano ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.
Jen Madoobe ayaa la xaqiijiyay inuu Puntland kula soo
kulmay qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliyed iyo
Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo xubno kale oo ka tirsan hay’adda UNDP.
Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in
Magaalada Jowhar ay gaaran Saraakiil Soomaaliyed oo tababaro ku soo qaateen
dalka Uganda.
Dhinaca kale Magaalada Jowhar ayaa maanta waxaa ku soo
laabtay Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka iyo
Guddoomiyaha Maamulka Shabeelaha dhexe Maxamed Dheere kuwaas oo socdaalo ku
tagay dalka Itoobiya.
Muxyadiin Cali jimCaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|