Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gabar Soomaaliyeed oo18 jir ah oo indho la’  ayaa maanta kaalinta 1aad ka gashay tartan qur’aan aqris ah

Waxaana soo qaban qaabiyey tan tan kaani jiimciyadda u adeegista qur’aanka kariimka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.Gabadhaan Indhoolaha ah oo ku indho beeshay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay laguna magacaabo Aamino Cabdul Majiid Cabdul Qani ayaa waxa ay ka guuleysatay ilaa iyo 60 ardey oo ka qeyb qaadatay tartan qur’aan aqris ah, iyadoo ardeydaasi ay ka kala socdeen dugsiyada ku yaala degmooyinka gobolka Banadir Sida u sheegay Sheekh Shariif Ibraahim oo isagu ah Gudoomiyaha jimciyadda u adeegista qur’aanka kariimka ee magaalada Muqdisho.

Gabadhaan in dhaha la’ ee iyadu gashay kaalinta koowaad ee tartanka qur’aanka kariimka ayaa waxa ay ka fajacisay mas’uuliyiintii iyo dadkii kale ee maanta ka qeybglay munaasabadii lagu gudoonsiinayay abaal marinta ay ku guuleysatay aamnio Cabdul Majiid Cabdi Qani.

Gabadhaan indhaha la’ ayaa la soo fariisayay goobtii lagu gudoonsiinayay abaal marinta, iyadoo ay hogaamineysay macalimad haween ah oo iyadu qur’aanka soo bartay.

Gudoomiyaha gudigii dhex dhexaadinayay tartanka Sheekh Macalin Cismaan sheekh Ibraahim ayaa ka hadlay waxyaabihii ardeyda tartameysay ay isku dhaafeen, taasoo ay ka mid aheyd habsami u aqrinta qur’aanka kariimka ama tajwiijka axkaamta qur’aanka iyo xifdintaba, isagoo ku tilmaamay in gabadha Aaamino Cabdul Majiid ee kaalinta 1aad gashay ay muujisay karti iyo fir fircooni dheeri ah oo ay kaga badisay ardeydii tartanka ay kaga qeybgaleysay.

Gabadhaan ayaa waxaa la gudoonsiiyay abaal marin lacageed oo gaareysa 300 oo Doollar iyo shahaaado sharaf, waxaana Gudoonsiiyay wasiirka Owqaafta iyo diinta DFS Cumar Max’ed Max’uud Cumar Filish.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya