|
Dowladda Talyaaniga ayaa malaayiin doollar ugu deeqday dowladda FS garabka
Jowhar, iyadoo lacagtaasi la sheegay in lagu dhisayo gobolada dalka qaarkood,
Dib u dhiska gobolada dalka qaarkood ayaa waxaa horey u sheegay Xubnaha
labada Gole ee ku sugan magaaladda Jowhar iyagoo sheegay in gobolada
Somaliya loo qeybiyay lix gobol, taasoo siweyn uga careysiisay xubnaha
labada gole ee magaalada Muqdisho oo ku tilmaamay mid khalad ah.
deeq lacageed oo gaareysa ilaa 2 milyan iyo bar ayaa waxaa Gudoonsiiyay
wasirka qorsheynta qaranka DFS C/risaaq Jurille, Mario Refella oo ah mas’uul
sare oo ka tirsan dowladda Talyaaniga.
Xukuumadda Roma ayaa qarashkaan ugu talo gashay in dowladda FS ay ku
maareyso maamul u sameynta 45 degmo oo ka mid ah 6 degmo oo ku yaala bariga
iyo bartamaha Somalia.
Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/risaaq Jurille oo dowladda
FS u saxiixay heshiiskaan ayaa waxa uu sheegay in gobolada dalka Somaliya
laga wada ekeyn doono dhismaha maamulka oo dowladda Talyaniga ay lacago ku
bixineyso.
Jurile ayaa waxa uu sheegay in dowladda FS ay gacanta ku heyso lacagtaani
lana howlgali doono,iyadoo ay iskaashan doonaan hay’adda UNDP iyo wasiirka
dib u heshiisiinta xukuumadda FS Sheekh Aadan Madeer.
Juriille ayaa waxa uu sheegay in howsha ay ka bilaaban doonto goobaha ay
nabadgalyo darida ka jirto, mana ahan markii ugu horeysay oo dowlada
Talyaniga ay soo gaarsiiso deeq ceenkaan oo kale ah, iyadoo horey dowladda
Talyaniga ay u siisay xukuumadda FS deeq kala duwan oo isugu jira matooro,
gawaari, qalab xafiiseed iyo alaabo kale.
Talaabada ay deeqaha ku siinayso Dowladd Talyaaniga xukumda Madaxweyne
Yuusus iyo R/wasaare Geedi ayaa noqonaysa mid ay ku xaqiijinayso dowlda
Talyaaniga sida ay uga go antahay inay taageero lagarab is taagto dowlada
somaliya iyadoon u ee gaynin qilaafaka u dhaxeeya labada Gole ee kala degan
Muqdisho iyo Jowhar,.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|