Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Taliyaha ciidanka booliska Somalia oo maanta magaalada Jowhar soo gaaray kulanna la yeeshay madaxweyne C/laahi Yuusuf.
 
Taliyaha ciidanka booliska Somalia iyo saraakiil uu horkacayo oo kasoo kicitimay wadanka Uganda gaar ahan caasimadiisa Kamballa ayaa maanta abaarihii duhurnimada xilliga afrikada bari kasoo dgay garoonka dayaaraha magaalada Jowhar dibadeeda ku yaalla.
 
Wafdigan oo ka koobnaa tiro saraakiil ah uuna madax u ahaa taliyha ciidanka booliska cali madoobe ayaa waxaa magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay xubnaha labad gole ee halkaa ku sugan iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe.
 
Cali Madoobe ayaa markii uu soo gaaray gudaha magaalada Jowhar waxa uu kulamo la qaatay madaxweynha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia C/lahi Yusuf Axmed oo uu uga warbixiyay socdaalkooda magaalada Kamballa iyo sida uu u socdo simanaar halkaasi uga furan saraakiil fara badan o ka tirsan ciidmada booliska Somalia oo ay tababar siinayaan ciidmda Yuganda.
 
Cali Madoobe ayaa u sheegay madaxweynaha inuu si wacan uu socdo siminaarkaasi saraakiisha Somaliyedna ay si wcanuga faa'ideysanayaan khibrada saraakiisha tababarka siinaysa ee reer Yuganda.
 
Cali Madoobe taliyaha ciidanka boolisa Somalia ayaa sheegay in xubnha saraakiisha ah ee tababarka ku qaadanaysa ay yihiin kuwo aad ay tayadooda u sareyso dalkan ay kusoo laaban doonaan iyagoo xambaarsan aqoon sare oo ay ka faa'ideysan doonaan saraakiisha kale ee booliska ee ku sugan gudaha wadanka somalia .
 
taliyaha ciidanka booliska Somalia cali Madoobe ayaa la filayaa in goor dhow uu soo bandhigo qorshihii lagu diyaarin lahaa ciidamo qaran oo wax ka qabta amaan xumida dalka uu ku jiro.
 
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.