Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Magaalada Jowhar oo mar kale loo doortay in ay noqoto xarunta dhexe ee ciidamada booliska .
 
Taliyaha ciidamada booliska Somalia Cali Maxamed Madoobe ayaa maanta shaaca ka qaaday in magaalada Jowhar ay tahay xarunta dhexe ee laga maamulayo ciidamada booliska Somalia oo markii hore la filayay in ay noqoto magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
 
Taliyaha ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay magaalada Jowhar maanta xili halkaasi uu ku qabtay shir jaraa'id uu kaga hadlayay socdaalkii uu ku tagay wadanka Yuganda.
 
Cali Maxamed Madoobe ayaa sheegay in maalmaha fooda inagu soo haya la bilaabo doono qorida ityo xareynta ciidamada booliska si wax looga qabto xaalada amaanka wadanka oo haatan faraha kasii baxaysa.
 
Taliyuhu waxaa kaloo uu sheegay in saraakiisha somalia ee haatan tababarka ku qaadanaya wadanka Yuganda ay yihiin kuwo xul ah oo aad   darajadoodu ay u sareyso waxaana uu sheegay in bil gudahood ay dib ugu soo laaban doonaan wadanka marka ay soo dhamaystaan tababarkooda.
 
 
hadalka kasoo yeeray taliyaha ciidanka booliska ayaa u muuqda mid daaha ka rogay hadalo hhorey la isul dhex mari jiray oo ah in magaalada Baladweyn ay tahay xarunta ay hiigsan doonaan ciidanka booliska ee Somalia goor dhow loo yegleeli doono.
 
Taliyaha ayaa saraakiil fara badan oo Somali waxa ay ku dhaliilayaan inuu yahay qof aan ku dhaqmayn cadaalada iyagoo taa ula jeeda sidii uu u xulay saraakiishii loo diray wadanka Yuganda oo isagu uu ka mid ahaa.
 
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.