Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Suxufi ka howl galayey idaacada Horn afrika oo maanta  lagu xiray magaalada Jowhar.

 Magaalada Jowhar ee xarunta dawlada federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya waxaa lagu xiray saxafi ka howl galayay idaacada Horn afrik ee ka howl gasha gudaha magaalada Muqdisho saldhigeeduna yahay.

Wariyahan oo la magacaabo C/laahi Kulmiye Caddow waxa uu magaaladaasi gaaray labo todobaad ka hor waxa uuna u aaday howl shaqo oo gaar ah oo idaacadii uu ka shaqaynayay ay halkaa uga dirtay .Wariye C/laahi ayaa  lahu xiray ka dib markii uu faah faahin ka diyaariyey kana baahiyey idaacada xarunta dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ay ka degentahay magaalada Jowhar oo ah xarun ay wax ku baranayeen aradada magaalada Jowhar.Wariye ayaa shaaca ka qaaday in xaruntaasi ay tahay xarun iskuul asagoo gacanta ku fiiqay in ardadii wax ka baranaysay iskuulka ay iminka wax barasho la,aan tahay uuna furmay sanad dugsiyeedka cusub .

 

Maamulka goboka Shabeelaha dhexe ayaa dabadeed ku kacay inuu xiro wariye C/laahi Kulmiye sidaasina waxaa hadalka u dhigay oo sheegay xaruntii uu ka shaqeyneyey wariye C/laahi.Xariga lagula kacayo saxafiyiinta ayaa caadi ka noqday deegaanada maamuladu ay ka jiraan ee wadanka Soomaaliya iyo goobaha aan maamuladu ka jirin .Horey ayaa waxaa magaalada garoowe iyo boosaaso ee maamul goboleedka Puntland loogu xiray saxafiyiin ka howl galaysay idaacadaha lagu kala magacaabo SBC oo ka howl gasha bosaaso ,STN oo ayaduna ka howl gasha boosaaso iyo wargeyska Shacab oo kasoo baxa garoowe tifaftirihiisa .

Saxafiyiinta ka howl gasha magaalada Muqdisho iyo goobaha kale ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku shaqeeyaan xaalad aad u adag oo khatar ah una baahan in la muujiyo digtooni iyo is ilaalis dheeraad ah .Kuma koobna xad gudubka lagula kacayo saxafiyiinta xarig oo kaliya laakiin waxaa jira dilal iyo jirdil loo gaysto ayadoo lagu eedeynayo in ay faafiyaan wax yaabo dhab ah laakiin aan shaqsiyaad gaari ah aanay doonaynin in warkaasi uu faafo.

 

Maxamed Cumar Sheeq
Rochester Somali Tv  Muqdisho .
Mcadde@rstvonline.com