| Suuqii
Degmada C/casiis ayaa manta dib loo furay 15-Sanno Ka Dib…
Suuqii weynaa ee degmadda C/casiis ee gobalka banaadir ayaa saakay albaabada
loo furay 15 sanno ka dib.
Suuqaan oo waayahii dowladii Max’ed Siyaad
Barre ahaa suuq aad u weyn, ayaa waxaa uu ku xirmay dagaaladii sokeeya dalka
markii ay biloowdeen.
Dayactir aad u balaaran ayaa waxaa lagu waday
bilooyinkii aynu ka soo gudubnay suuqa, waxaana gacan weyn ka geystay
furitaanka suuqaan dadweynaha ku dhaqan degmadda C/casiis iyo nawaaxigiisa.
Suuqaas ayaa astaan waxaa u ahaa meelo
bilcdooda lagu xasuusan karo sidii Kawaanka Malaayga iyo Kan Hilibka, Qeybta
qudaarta iyo waliba qeyb aad u cajiib badnaa, balse waxay dhamaan qeybahaasi
la burbureen dowladii Soomaaliyeed ee xiligaasi dalka ka talin jirtay,
waloow ay ifafaalo ka soo muuqatay ka dib markii uu dalka soo gaareen
dowladii Carta laga soo dhisay ee uu madaxweynaha ka ahaa Dr. C/qaasim
Salaad Xasan iyadoo markaasi dadka C/casiis ku nool ay go’aansadeen in ay
furaan suuqana balse taasi laguma guuleysan.
Maanta ayaa waxaa suuqa buux dhaafiyeen dadweyne aad u fara badan oo
halkaasi u yimaadeen in ay arkaan bilicdii Suuqa sida loo soo celiyay ka dib
markii laga baahiyay in la furayo manta Suuqa C/casiis warbaahinta gudaha
Muqdisho ka howl gala badankood.
Waxaana furitaanka suuqani goobjoog ka ahaa
Masuuliyiin ka tirsan dowlada FS iyo dad magic ku leh bulshada dhaxdooda,
qaarkoodna lagu tixgaliyo arrimaha ganacsiga iyo waliba Gudoomiyeyaasha 16
ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa maanta ka soo qeybgalay munaasabadii
furitaanka suuqa Degmada C/casiis.
Mana ahan markii ugu horaysay ee la furo
Suuqayadii dalka ku faani jiray kuna yiilay Gudaha Caasimada ee Xamar,
waxaana horay loo furay suuqa Siinaay iyo suuqyo fara badan oo ku yaala
caasimada ee dagaaladii sokeeye ka dib xirmay noqdeena meel ay ku hoydaan
cayayaanka iyo bahalaha
Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia
E-mail:
abdifitahaam@hotmail.com
|