Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gacan ku haynta Amaanka Suuq Bacaad oo ay la wareegeen Ganacsato Dagaal ay Dad ku Dhinten kuna Dhaawac meen

Hal qof ayaa ku dhintay shankalana wey ku dhaawacantay ka dib markii maleeshiyo ka amar qaadata ganacsatada s/bacaad & koox dableey ah oo baryahaan lacagaha baada ah ee loo yaqaan (leejada) ka qaadanjiray s/bacaad oo ah suuqa labaad ee mugadhiso

Ninka dhintay ayaa lagu magacaabijiray (haruuse) halka kuwa kalane dhaawacooda la geeyay hosbital xamar ganacsade ciise cismaan oo ka mid ah ganacsatada s/bacaad ayaa RSTV u xaqiijiyay in shan ka mid maleeshidii dhibaatada ku heysay suuqaasa oo mid kamid ah dhaawaciisu fududaa lagu xiray maxkamada xariryaale

Mar ey sidoo kale RSTV booqatay isbitallka xamar oo lagu daweynayay dadkii wax yeeladu Ka soo gaartay dagaalkii s/bacaad ayaan wax ka weydiinay dr. maxamed xasan sabriye Waxana uu sheegay markii laga reebo ninka geeriyooday inta kale ey ahaayeen dhaawac mid ey ayaga wax ka qabteen balse ey u badnaayeen dad aan waxba galabsan .

Maalmahaan ayaa waxaa laga deyrinaayay amaanka deegaanka s/bacaad iyadoo kooxa meelishiyo ah ey caadeesteen in ey ku wax yeeleeyaan dadka deegaanka & ganacsigaba

hadaba tilaabada ey qaadeen ganacsatada s/bacaad ayaa ah mid soo cilineyso hanaanka deegaanka suuqaasi oo maalmahaan fara ka baxay .

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya