|
Muuse Suudi Yalaxow oo ku tilmaamay xariga Cabdi Qaybiid Af duub loo
gaysanaayo masuuliyiinta Somaliyeed.
Wasiirka ganacsiga dowladda FS ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falka ay
dowladda Sweden xariga ay u geysatay Cabdi Qeybdiid in uu yahay mid qalad ah
islamarkaana ah afduub lagula kacay mas’uul Soomaaliyeed ka dib khudbad uu
ka jeediyay maanta isu soo bax balaaran oo ka dhan ah dowladda Sweden oo ka
dhacay fagaaraha Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.
Muuse Suudi yalaxow oo ka mid ah wasiirada dowladda FS ee ku sugan
magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole ee
dowladda FS oo maanta ka qeybgalay banaabax ka dhan ah dowladda Sweden ayaa
waxa uu ku tilmaamay xariga dowladda Sweden ay u geysatay cabdi Qeybdiid in
uu ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn isla markaana wax u dhimaya siyaasadda
dowladda Sweden ee ku wajahan arimaha Somaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay xiritaanka Cabdi Qeybdiid in uu yahay mid afduub
ah oo lagu la kacay Mas’uul Soomaaliyeed oo howlo shaqo kaga ambabaxay
magaalada Muqdisho isla markana gaaray wadanka Sweden, isagoo sheegay in ay
iska cadahay cidii ka dambeysay xariga Cabdi Qeybdiid ayna yihiin dad qaldan
oo damacoodu fogaaday.
Wasiirka ganacsiga dowladda FS ayaa Sheegay in xariga loo geystay Cabdi
qeybdiid uu la mid yahay Taliyaha ciidamada Booliska Sweden oo afduub loogu
qabsado wadanka Somaliya isla markaana ay dowlada Sweden ay kala saarto waxa
ay xaq u leedahay iyo waxa aysan xaq u laheyn, isagoo tilmaamay in wax loo
sheego oo kaliya aysan ku dhaqaaqin.
Muusa Suudi yalaxow ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aan loo
waxyeleyn xariga Cabdi qeybdiid cid kale, isagoo sidoo kale ugu baaqay
dowladda Sweden in ay si deg deg ah u soo deyso isla markaana magdhow ay ka
bixiso xariga ay kula kacday taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed..
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|