Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowlada Koofur Afrika ayaa ugu baaqaday Beesha Caalamka in Soomaaliya laga kaalmeeyo la dagaalanka Burcada ka dilaacday Xeebaha Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay wasaarada Arimaha dibadda Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in Xeebaha dalka Soomaaliya ay iminka yihiin kuwa laga baqo oo aan lagu dhiiran karin in lagu safro ka dib markii afduub loogu geystay Xeebaha soomaaliya Maraakiib Ganaacsi iyo kuwa sahey gargaar u wada dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobay jahwareerka siyaasadeed ee 15sano ka taagan dalka ku yaala geeska afrika ee Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay wasaarada Arimaha dibadda Koonfur afrika ayaa ka codsaday Beesha caalamka iyo wadmada gobolka Geeska Afrika ku yaala iney Soomaaliya ka gacansiiyaan la dagaalanka Burcad badeedka ku Xoogeystay Biyaha Soomaaliya.

Warkan ka soo yeeray Koonfur afrika ayaa waxa uu yimid xili shaqaalle ka soo jeeda wadanka lagu qafaashay markab ganaacsi oo ay dablay soomali ah ku heysateen Xeebaha maamulka la baxay Putland oo iminka la sii daayay.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya