|
Jamhuuriyadda la baxday Somaliland oo sameysatay Markab ilaaliya xeebaheeda.
Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in ay
sameysatay markab ilaaliya xeebaha uu ka arimiyo maamulkooda.si aysan ugu
soo dhiiran burcad badeedka ka jira xeebaha Koofureed ee Somaliya
Madaxweynaha jamhuuriyadda la baxday Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo
saxaafada kula Hadley magaalada Haregyesa ee xarunta u aha maamulka
Somaliland ayaa waxa uu sheegay in markabkaan uu sugi doono amniga xeebaha
Somaliland isla markaana uu baacsan doono burcad badeeda ka jirta xeebaha
Somaliya.
Waxa uu sheegay in maamulka Somlailand uu ka go’an yahay in uu sugo
amniga Maraakiibta ku soo xirata Dekedaha Somaliland.
Waana markabkii ugu horeeyay ee maamulka Somaliland uu yeesho, iyadoo
Xeebaha uu Somaliland aan wali la soo sheegin wax afduub ah oo ka dhacay tan
iyo markii maamulkaasi ay sheegteen in ay ka go’een Somalia inteeda kale,
Dekadda Berbera oo ah dekedda ugu dhaq dhaqaaqa badan oo si weyn ay u
isticmaalaan badeecadaha ka soo daga gobolada qaar ee Somalia iyo Ethiopia
ayaa waxaa si weyn uga socda howlo kala duwan, iyadoo dhowaan labo markab oo
shixnado kaladuwan u siday dowlada Ethiopia halkaasi ay ka soo dageen.
Hadalka Madaxweyne Riyaale ayaa ku soo beegmay xilli shalay magaalada
Nairobi uu kula saxiiday Ra’isulwasaare Geedi shirkad Mareykan ah oo
ilaalineysa xeebaha Somaliya.
Xeebaha Somalia ayaa waxa ay noqdeen meelo ay ka qowleystaan burcad
badeedyada tan iyo waxii ka dambeeyay 1991kii xiligaasi oo ay burburtey
dowladii dhexe ee Somalia.
Dhowaan ayay aheyd markii burcad badeeda Soomaalida ay isku dayeen in ay
qabsadaan markab dalxiis oo laga leeyahay dalka Mareykanka oo sida
dalxiisayaal kor u dhaafaya 300 oo ruux, iyadoo markabkaasi uu si dirqi ah
uga fakaday ka dib markii uu jiirey burcad badeedaasi.
Muxyidiin Cali Jimcaale (Jakuula)
jakuula@hotmail.com
Muqdishu, Soomaaliya
|