Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Somalida ku dhaqan dalka kenya oo walaac ka muujisay digniinta ay dawladda kenya u soo jeedisay in ay dalka uga baxaan
 
Guddi ka koobnaa shan xubnood islamarkaasna uu guddoominayey Ayaanle Mahamuud Muuse oo soo abaabulay banaanbax lagu muujinayo dareenka bulsho waynta soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda nairobi ay ka qabaan hadalkii dhawaantan ka soo yeeray dawladda kenya islamarkaasna lagu war-galinayey dhammaan qaxootiga ku dhaqan waddanka kenya in ay iska diiwaan galiyaan laamaha socdaalka ayaa saakay lagu qabtay xaafadda Secshan 1 ee magaaladda nairobi,
 
Dad aad u faro badan ayaa ka qayb-qaadanayey banaanbaxaasi oo ahaa mid lagu muujinayay sida ay uga xunyihiin hadalka ka soo yeeray xukuumadda kenya oo baryahan dambe qaxootiga ku dhaqan dalkan kenya ay wel-wel ka qabeen
 
Dadkani oo dhammaantood soomaali ahaa ayaa waxay ugu baaqeen hay"adaha ku howlan dib u dejinta qaxootiga in ay war cad ka soo saaraan amuurtan iyada ah,Waxayna si gaar ah codsigaasi ugu dirayeen Hay"adda JVA-da oo ay sheeggeen in ay howshoodda gacanta ku hayaan,
 
Waa markii ugu horraysay oo bulsha waynta soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda nairobi ay dareenkoodda ka muujiyaan hadalka ka soo yeeray xukuumadda kenya,,Iyadoo Xafiiska ay hay"ada qaxootida ee Qaramada Midoobay UNHCR ay ku leedahay xaafadda Wesland ay iskugu soo bexeen dad qaxooti ah oo ka dalbanayey hay"adda in ay siiso waraaqo aqoonsi ah oo ay ku sii jooggin karaan dalka kenya Tan iyo inta ay uga dhamaanayso howlihii ay markii horre u yimaadeen,

Sikastaba ha ahaatee tan iyo markii ay soo baxday warka ku saabsan is diiwaan galinta dhammaan qaxootiga ku dhaqan waddanka kenya ayaa waxaa hareeyey bulsha waynta soomaaliyeed ee ku sugan magaaladda nairobi hadal haynta ku saabsan talaabada ay dawladda kenya ka qaadi doonto ciddii aan helin waraaqaha aqoonsiga ah,

Isku soo wada-duuduuboo soomaalida maanta banaanbaxa ka samaysay xaafadda islii ayaa waxay ugu baaqayaan dhammaan soomaalida kale ee iyagu dalka u jooggo howlaha la xiriira dib u dejinta waddamadda reer galbeedka in ay berito isugu yimaadaan xaafadda wesland ee magaaladda nairobi

Mursal Quulle