|
Sanado badan kadib oo khilaaf la'aan laga ciiday Somaliya
Magaalooyin badan oo ka tirsan wadanka Somaliya ayaa saakay si aan
khilaaf laheyn looga ciiiday, iyadoo dabaaldagyo kala duwan oo lagu
maamuusayo maalinta ciida ay ka dhaceen magaalooyinkaasi.
Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn looga ciiday, iyadoo wadooyinka
lagu arkayay dad fara badan oo munaasibadda ciida saakay u soo baxay.
Dad weyne raxan raxan u socoda oo isugu jira caruur dadwaaweyn oo rag iyo
dumar leh oo aad u labisan ayaa saakay lagu arkayay wadooyinka waaweyn ee
magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu hambalyeynaya munaasabadda ciida
Soonfur, iyadoo Takbiirta salaada Ciida saakay laga maqlayay dhamaan
masaajidyada magaalada Muqdisho.
Caruur sidata qalab kala duwan iyo dhar aad u qurxoon ayaa soo galay
wadooyinka, qaarkoodna saarnaa gaadiidka Blka ee ka shaqeeya degmooyinka
kala duwan magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa jira caruur fara badan oo aan ka qeyb qaadan
munaasabadda Ciida, iyadoo caruurtaasi ay y badan yihiin kuwa ku jira
xerayaha qaxootiga, kuaasi oo aan heysan dhaqaale ku filan oo ay ku ciidaan.
Degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sanado ka dib markii ugu
hoereeysay saakay si wada jir ah looga ciidayaa, iyadoo wax khilaaf ah aanu
jirin,
Kumanaan ka mid ah dadweynaha ku nool degmada Baardheere ayaa
subaxnimadii hore ee saakay u dareeray dukashada salaada ciida barekeysan ee
Ciidul Fidriga.
Dadweynahaasi oo isugu jirey rag, Dumar iyo Caruur ayaa waxa waxa ay
isugu soo baxeen garoonka kubada cagta degmada Baardheere iyo masaajidyada
waaweyn ee magaalada halkaasi oo ay ku dukadeen salaadii ciida.
Dhinaca kale Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa si weyn
looga ciiday, iyadoo wax khilaaf ah aanu jirin.
Barxadda weyn ee iskuula Buluusiya ee magaalada Baydhabo ayaa saakay
salaadii ciida waxaa ku dukaday boqolaal dad ah oo dadka reer Baydhabo ah,
iyadoo dadkii isugu yimid halkaasi laga dareemayay farxado ku aadan
munaasibadda Ciida Soon fur.
Magaalada Baydhabo qeybaheeda kala duwan ayaa lagu arkayay Dadweyne aad u
fara badan oo isugu jira Dumar, Caruur iyo dhalinyaro, kuwaasi oo watay
labiska nuucyadiisa kala duwan.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|