Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Nin Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dalka K/afrika gaar ahaan magaalada Port Elisabet, iyadoo mid kalena la dhaawacay.

Ninkaan Soomaaliga aha oo lagu magacaabi jirey Mraxuum Muxudiin Max'ed Cali oo ka ganacsan jirey magaalada Port Elisabet ayaa waxaa toogasho ku dilay koox S/afrikan ah oo hubeysan oo aan la garaneyn halka ay beegsadeen markii falkaasi ay geysteen sida uu idaacadda Shabelle u sheegay Cabdi Goobe oo ka mid ah ganacsatada Somalida ee ku dhaqan wadanka K/afrika oo wareysi siiyay xafiiska Shabelle ee magaalada Cape Town ee dalka K/afrika.

Cabdi Goobe ayaa uga digay Soomaalida in ay san ku soo dag dagin magaalada Port Elisabed oo uu ku tilmaamay in ay tahay meel ay joogaan kooxo S/afrikaan ah oo had iyo jeer dil u geysta dadka ajnabiga ah ee ku sugan dalkaasi.

Ninka dhaawacmay ayaa waxaa la jiifiyay isbital ku yaala magaalada Port Elisabet, iyadoo ciidamada Booliska wadankaasi ay bilaabeen baaritaanka kuwii ka dambeeyay falkaasi lagu qaarjiyay wiilka Soomaaliga ah, mana ahan markii ugu horeysay oo dil kooxo S/afrikan ah ay u geeystaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhan wadanka K/afrika inta la ogyahay

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya