|
C/laahi Yuusuf oo maalintii labaad ku sugan degmada Mustaxiil ee
wadanka Itoobiya.
madaxweynaha dawlada federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/lahi
Yuusuf Axmed ayaa imink ku sugan magaalada Mustaxiil ee wadanka Itoobiya .
madaxweynaha ayaa maalintii shalay ahayd ka ambabaxay magaalada Jowhar ee
xarunta dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya asagoo ay wehliyaan xubno
aan sidaa u tiro badnayn oo ka tirsan dawlada federaalka.
xubnaha madaxweynaha ku wehlisa safarkiisa waxaa ka mid ah wasiirka
gaashaandhiga C/raxman Maxamud Cali iyo xubno kale.
madaxweynaha waxaa la sheegayaa in magaalada Mustaxiil ay kaga horeeyeen
xubno wasiiro iyo xildhibaano ah kuwaasoo ka tagay magaalada baladweyne
iyo degmooyin kale oo gobolka hiiraan ka tirsan.madaxweynaha ayaa maanta
bilaabay kulamo uu la qaadanayo saraakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya oo
deegaankaasi madaxweynaha ku sugeysay iyo ciidamada puntland ka yimid oo
bilihii lasoo dhaafay dhulka soomaalida itoobiya ku sugnaa.
madaxweynaha ayaa la filayay in magaalada mustaxiil uu kulamo kula yeesho
madax dhaqameedyada gobolka hiiraan oo maalmihii lasoo dhaafay dawlada ka
hor yimid ka dib markii ay soo ifbaxeen wararka sheegaya in hiiraan laga
wareejiyey xaruntii ciidanka xoogga dalka laakiin odayaal dhaqameedyadii
ayaa diiday in ay u kicitimaan mustaxiil.
Maxamed Cumar SHeeq.
Rochester Somali TV ,Muqdisho.
|