Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia oo maanta maraykanka u baqoolay.

Warar lagu kalsoonyahay oo Rochester uu ka helay magaalada Jowhar ayaa xaqiijinaya in maanta magaalada Jowhar uu ka ambabaxay wafdi ballaaran uu hogaaminayo madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia C/laahi Yuusuf Axmed .

Abaarihii 3:00 galabnimo ayuu wafdiga madaxweynaha ka dhoofay garoonka dayaaradaha magaalada Jowhar ,waxaana wafdiga madaxweynaha garoonka kusii dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole oo uu ka mid yahay ra'isulwasaaraha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia cali Maxamed geedi .

Wafdiga madaxweynaha ku wehliya socdaalkiisa wadanka Maraykanka ayaa waxaa ka mid ah wasiirka horumarinta reer miyigia Maxamud Maxamed guuleed Gacmadheere ,wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir iyo wasiir ku xigeenka wasaarada hidaha iyo dhaqanka Khadiijo Maxamed ,waxaana wadanka maraykanka ay kaga qeyb galayaan kal fadhiga guud ee jumciyada qurumaha ka dhaxaysa ay ku yeelanayaan magaalada New York.

Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia ayaa marka uu maraykanka gaaro waxa uu kulamo la yeelan doonaa jaaliya Somalida ee halkaa ku sugan iyo mas'uuliyiinta Maraykanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa booqasho ku tagi doona wadanka Canada halkaasoo uu kulamo kula yeelanayo Jaaliyada Somaalida ee wadankaasi ku sugan iyo Ra'isulwasaaraha wadankaasi.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in kulanka qaramada midoobay uu ka jeediyo qudbad si aad ah u taabanaysa xaalada wadanka Somalia ka taagan iyo wax yaabaha haatan hortaagan dowlAda ku meel gaarka ah ee Somalia .

Maxamed Cumar Sheeq.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com