Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Isbahaysiga SNA oo dib usoo celiyey isbaaradii u taallay wadadad jidka Adan Cadde.

 
maleeshiyooyin taabacsan isbahaysiga SNA ee uu hogaamiyo ra'isulwasaare ku xigeenka dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Ceydiid ayaa dib ugu soo laabtay isbaaro u oolli jirta wadadada loo yaqaan wadada Adan Cadde.
 
maleeshiyadan ayaa horey waxaa looga dhaadhiciyey in ay qaadaan isbaaradooda ka dib markii gudiga loo xilsaaray qaadista isbaarooyinka ay ka dalbadeen madaxda sar sare ee isbahaysigaasi in ay qaadaan isbaarada.lama yaqaan sababaha keenay in dib loo soo celiyo isbaaradaasi laakiin waxaa la aaminsanyahay in soo celinta isbaaradaasi ay ka mid tahay caadadad maleeshiyooyinka isbaarada jooga oo markii la qaado isbaarada dib usoo celiya.
 
maleeshiyadan ayaa bilaabay in ay lacago ka qaadaan gawaarida isticmaasha wadadaasi ayagoo rasaas oodda kaga qaaday dhowr gaari oo halkaa marayay kuwaasoo ka dhaga adeegay bixinta lacagta isbaarada.
 
waxaa hakad ku yimid gawaaridii isaga kala gooshi jirtay Siinaay iyo KM4 ,gaadiidlayda ayaa ka cabanaya lacagaha ay qaadanayaan maleeshiyooyinka jooga isbaarada oo aan wax naxariis ah aqoon ,haatan gawaarida waxa ay ku egyihiin isgoyska Howlwadaag.
 
Maxamed Cadde.
Rochester Somali TV Muqdisho.