|
Agaasimaha Isbitaal madiina Dr, Sheekh doon salaad cidna waxba uma dhimi
karto sumcada cisbitaal Madiina,
Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan doonayaa inaan jawaab kooban
ka bixiyo hadallo eedayn iyo ceebayn isugu jira oo maalmahaanba ay qorayeen
qaar ka mid ah bogagga internet-ka af-soomaaliga ku qoran ( Somali websites)
iyo jara'idka maxalliga ah. Wararkaasoo tibaaxayey in maamulka Isbitaal
Madiina uu ku takrifalo daawada isbitaalka deeqda loo siiyo; iyadoo suuqa
laga gorgoriyo laguna gado sida ay ku andacoodeen. Waxaan dadweynaha
soomaaliyeed u caddeynaynaa in hadalladaasi yihiin wax-kama-jiraan aan
giddigood sal iyo raad lahayn. Daawada Isbitaal Madiina lama beecgeeyo,
beecna ma aha, cid laga gadaana ma jirto. Bukaanka isbitaalka jiifa lagama
iibiyo, bukaan- socod lagama iibiyo, ganacsatana warkoodaba daa.

Ciddii xaqiiqadaas wax ka badalan haysa waxaa la rabaa inay caddeyn
iyo marag muuqda oo lagu qanci karo soo bandhigto, qofkaan xishooneynna
wuxuu rabo ayuu sheegi karaa !! Haddaba waxaa isweydiin leh yaa fidiyey
beentaan? Yaa ka dambeeyey? Sida aad bogagga internet-ka ama jara'idka ku
aragteen waxaa warkani ka soo askumay nin isku magacaabay Xujaale
Jaamac. Xujaaloow ayaad tahay? Idinku ma taqaanaan saxafi la
yiraahdo Xujaale jaamac? Ma filayo inaad taqaanaan? Aniguse waa aqaan;
magacaasnna waa ku gambadaaye kiisa dhabta ah ma aha. Waa magac fulaynimo.
Haddaan idiin qeexo magacaas: Xujaale waa saxafi- ku –sheeg mooryaan
ah qalin ku hubaysan oo isbaaro dhallah dhigtay bogagga internt-ka, una
samaystay inuu ku caayo ciddii baad u diidda. Waa Xujaale-yare
-
magaca uu la baxay haddaan u daayo - wuxuu ku soo caanbaxay shirkii
Mbagathi ee Kenya lagu qabtay oo uu war been ah ka soo tebin jiray markii
lagu bartay beentaasna ay saxaafaddu iska joojisay in warba laga qaato .
Kadibna wuxuu samaystay website magaca ku habooni malaha uu ahaan lahaa:
BEENTACUSUB.COM ama BAADDACUSUB.COM. Waxaana kiraysan jiray
ciddii doonaysa inay caydo qof siyaasad ay isaga horjeedaan. Iyadoo had iyo
jeer loo dhiibo wararka laga xishoodo. Haddana wuxuu u dallacay inuu dadka
ku baado. Talefoon ayuu igu soo wacay Xujaale-Yare
subaxnimadii sabtida 19/11/05 anigoo jooga qaybta bukaan-socod-eegta
Isbitaal Madiina oo dad xanuunsan baaraya qaar badanna ii horan yihiin.
Wuxuu igu yiri " Waxaan taaganahay xafiiskaaga hortiisa waxaanan rabaa inaan
ku arko" Waxaan ugu jawaabay " walaal bukaan baan fiisitaynayaa, qaar
badanna way i isugayaan, waa maalin Sabti ah oo shaqo badan , ballan horana
ma aanaan lahayn, waan ka xumahay kuma qaabili karo " Hadalkaas kuma uusan
qancin, waxuuna hadalkiisi ugu dambeeyey si caro ah iigu yiri "Isbitaalkaaga
waan kaaga tegay, waana inoo tahay" Hadalkaas oo handadaad ay ka muuqatay.
Waxaa intaas iigu xigtay in Xujaale-yare uu website-ka uu
tafatiraha ka yahay ku soo qoray maqaal uu cay iyo cambaareyn uu ku
samaynayo Isbitaal Madiina iyo maamulkiisa. Waxaan qiyaasayaa inuu baad
deg-deg ah iga rabay si kastaba ha ahaatee, sumcadda isbitaal madina iyo
maamulkiisa way ka culus tahay mid ay gilgili karto dacaayad raqiis ah oo uu
curiyay wariye faashil ah. Waa isbitaal samafal bulsho oo u adeega dhamaan
gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Haddii uusan daawo fiican iyo
adeeg hufan lahayna ma yimaadeen dadka uu isba sheegay inay Isbitaalka ku
soo qulqulayaan xaqiiqdana bulshada ayaa ka markhaati ah. Lama yaabin
Xujaale-Yare iyo damaciisa waalan,
wax kastaaba way ka suurtoobaan isaga iyo aynigiisa. Waxaanse la yaabay
in website-yo kale iyo jara'id iska soo guuriyaan war daleecaynaya hay'ad
iyo maamul bulshada dhexdeeda magac ku leh, iyadoon la hubsan in warkaasi
jiro iyo in kale; isla markaasna aan wax laga weydiin ciddii ay khuseysay;
ama ugu yaraan aan la siin xaqa ay u leeyihiin inay ka jawaabaan eedaha loo
soo jeediyey inta aysan warkaa shaacin. Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan
idinka codsanayaa inaad jawaabtayda oo buuxda ku qortaan bogaggii
dhaleecaynta xaq-darrada ah loogu soo qoray Isbitaal Madiina iyo maamulkiisa
. Waad mahadsantihiin. Dr. Sheikhdon Salaad Cilmi Agaasimaha Isbitaal
Madiina
Muxyadiin Cali jimcaalle jaukkla
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|