Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra’isulwasaare K/xigeenka 1aad ee DFS oo sheegay in la hakiyay Mushaar la siin lahaa xildhibaanada Baarlamanka Somalia.

Ra’isulwasaare K/xigeenka 1aad ee dowladda FS Max’uud C/laahi Jaamac Sifir ayaa tilmaamay in uu jiro fursad wali u furan wada hadalka garabyada dowladda FS oo uu sheegay in aaney heysan aqoonsi caalami ah ilaa iyo inta ay xalineyso khilaafka dhexdeeda ka jira, isagoo dhinaca kale tilmaamay in la hakiyay qorsheyaal mushaar lagu siin lahaa xubnaha Baarlamanka Somalia.

Baadi goobka dowladda is khilaafsan ayaa ah mid aan lagu dag dagi Karin meelmar noqoshadiisa sida uu muujiyey ra’isulwasaare K.xigeenka dowladda FS Md, Max’uud C/laahi Jaamac Sifir oo sheegay in khilaafka dhinaca sharciga ee u dhaxeeya dowladda uu yahay mid u baahan in si dhab ah loo gudo galo ka wada hadalkiisa.

Ra’isulwasaare K/xigeenka 1aad ee dowladda FS Max’uud C/laahi Jaamac Sifir oo laf ahaantiisa ay saameyn ku yeelatay khilaafka dowladda xilkii uu ka soo helay qeybsigii awoodaha ay ku dhisan tahay dowladda FS ayaa waxa uu sheegay in uu rumeysan yahay isaga heshiis ka yimaada dowladda dhexdeeda in uu yahay mid suuro gal ah hadii la joojiyo wada hadalka ka hor waxyaabaha sii kicinaya murankii dhinaca sharciga ee ewalba jirey.

Mr.Sifir ayaa waxa uu sheegay in helitaanka aqoonsi caalami ah oo dowladda u soo jiidi kara taageero dhinac walba leh ay tahay mid ku xiran xalinta khilaafka markii hore kaladajiyay magaalooyinka Jowhar iyo Xamar, isagoo xaqiijiyey in ay jirto dhaqaale laga hakiyay Xildhibaanada Baarlamanka oo ka imaan lahaa hay’adda Q.M ugu qeybsan horumarinta arimaha garagaarka iyo bani’aadnimada ee UNDP, dhaqaalahaasi ayuu sheegay in wali aaney kala cadeyn sababaha loo hor istaagay oo uu yiri “ waxaan u maleynayaa in uu ka dambeeyo Ra’isulwasaare Geedi, oo doonayay in uu isagu Jowhar ku qeybsho Mushaar la siiyo xildhibaanada Baarlamanka.

Ra’isulwasaare K/xigeenka 1aad ee dowladda FS Max’uud C/laahi Jaamac Sifir waxaa kale uu ka hadlay in isbadalada dhacay intii la iskhilaafsanaa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu badan ee wada hadalka, isagoo meesha ka saaray in ay jirto dal wali diblumaadsi ahaan xafiis uga furtey magaalada Jowhar, waxa uuna sheegay imaanshihii safiiradda Belgiumka ee magaalada Jowhar in uu ahaa Gudoonsiinta Madaxweyne C/laahi Yuusuf warqada aqoonsiga.



Muxudiin Jakuul

Muqdisho

Jakuula@hotmail.com