Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Xasan Daahir: Hadal heynta Al qaacida waa Suuqa kali ah ee u furan Cilmaaniga

Sheekh Xasan daahir aweys markii ugu horeysay sheegay in hadalkii ka soo yeeray Mas`uuliyiinta Somaliland ee ku aadanaa xariga ay sheegeen inay qab qabteen rag Alqaacido ah oo ka yimid koonfurta Soomaaliya uu yahay mid Ganacsi oo kali ah.

Waxaana uu tilmaamay inay arintan ay ku doonayaan inay Soomaali inteeda kale uga go`an sidii weligoodba ay u doonayeen gooni isu taagga Somaliland.

Waxaa kale oo uu sheegay Sheekhu inay arintani ay tahay mid loogu dhowaanayo wadamada reer Galbeedka, oo aan raali ka aheyn Diinta islaamka, waxaana uu xusay inuusan haatan jirin Suuq kale oo loogu dhowaanayo reer Galbeedka.

Sheekha ayaa sheegay inuusan isagu qabin in ragaasi ay yihiin Al qaacido, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya aysan joogin wax Alqaacidda ah laakiin ay joogaan wadaado hadda u xuubsiibtay Siyaasiyiin, waxaana uu sheegay in xitta ay jiraan wadaado uu hayo damaca hogaaminta Dalka.

Hase ahaatee Sheekha ayaan meesha ka saarin in Soomaaliya ay tahay Dal furan oo aan sharci laheyn, waxaa uu yiri, inkastoo qof waliba ay soo geli karto Soomaaliya, hadana u maleyn maayo in nin Shisheeye ah uu ku soo dhiiran karo gudaha Soomaaliya oo aan laheyn Sharci ku dhowaad illaa 15sanadood.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wareysi gaar ah siinayay shabakadda wararka ee RSTV xaafiiskeeda Muqdisho ayaa sheegay in Soomaalidu ay tahay dad isku xiran islamarkaasina iska warqaba markasta, suuragalna ma aha in qof aan u dhalan uu ku noolaan karo maalmo.

Mar uu ka hadlayay arimaha ku saabsan sababta ka danbeysa ee marwaliba loo yiraahdo Alqaacidda aya Soomaaliya joogta waxaa uu sheegay in culeys ku yimid Siyaasiyiinta waxa uu ku sheegay cilmaaniyiita kaasoo uga yimid dhinaca Wadaadada kadib markii ay soo baxeen Wadaado badan oo leh Aqoonta kala duwan, ayay bilaabeen inay isaga fogeeyaan wadaadada oo uu sheegay inay haatan kaalin muuqata ka joogaan gudaha bulshada Soomaaliyeed waayo ayuu yiri, Culimadu wax wanaajiyaan ee waxba ma dilaan.

Waxaa uu sheegay sdoo kale Sheekhu inay caado u tahay Cilmaaniyiinta inay marwalba waxyeelo u geystaan Culimada, waxaa uu yiri, ma doonayaan Diinta oo ka dhaqan gasha Soomaaliya.

Dhinaca kale mar aanu weydiinay hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo uu sheegay inuu qof kasta ugu tegayo gurigeeda si nabad loo helo, waxaa uu Sheekh Xasan Daahir uu sheegay in loo baahnaa mar hore, laakiin waxaa uu carabka ku adkeeyay in Nin jiifa haddii marada laga qaado uu yahay marwalba isla Isagii, waxaa uu yiri, waan aqaanaa C/laahi, waxaa uu sidaas ula jeedaa , Caadifeysi, ee dhab kama aha, waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uusan ka tanaasulin Dagaal, waxaa uu yiri, waxaa ka go`an dagaal.

Ugu danbeystii sheekha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka shaqeeyaan dardar gelin ku dhaqanka Diinta islaamka oo uu sheegay in lagu badbaadayo maanta iyo maalinta qiyaamaha, isla markaasina ay ka shaqeeyaan nabad ka dhalata geyiga Soomaaliya.

Muxyadiin cali Jimcaale Jakuula

Jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somalia